Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20348

Dibadbax lagu taageerayo R/waaaraha cusub ee Soomaaliya oo ka dhacay degmada Luuq

$
0
0
R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya  Abdiwali SH Ahmed

R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Abdiwali SH Ahmed

Luuq[RBC Radio]Degmada Luuq ee gobolka Gedo,waxaa maanta ka dhacay dibadbax ballaaran oo ay ka qeyb qaaten dhamanba bulshada halkaasi ku nool,waxana la sheegay in taageero loogu muujinayey R/wasaaraha cusub ee shalay lamagacaabay C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Guddoomiyaha degmada Luuq  Axmed Buulle oo warbaahinta la hadlayey xilli guud ahanba degmada uu banaanbaxa ka socday ayaa sheegay  in si nabadgalyo ah ku dhacay dibadbaxaas , ayna ka qayb-galayaan dadweyne fara badan oo isaga yimid guud ahaan degmada.

…”"”‘Maanta waxaa ay magaaladu ahayd mid mashqul ah,waxana isku soo baxay dhamanba dadka degmada jooga,waxana uu billowday saakay aroortii hore , waana mid lagu taageerayo R/wasaaraha cusub, runtii innagu aad ayaan u soo dhaweynaynaa magacaabistiisa waana ku faraxsannahay…”"”ayuu yiri guddoomiyuhu.

Kadib markii lamagacaabay R/wasaaraha cusub,waxaa billowdey aragtiyo kala duwan oo ay dhiibanayan bulshada Soomaaliyed.

Sidoo kale dibadbaxyo kale ayaa la sheegay in xalay ilaa saaka ay ka kala dhacayaan magaalooyin badan oo ka mid ah dalka, kuwaas oo lagu taageerayo magacaabista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Dr. Cabdi Weli Sheekh Axmed.
________
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20348

Trending Articles