Bayaan ka soo baxay golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa waxaa lugu soo dhaweeyey magacaaibsta R/wasaaraha cusub ee uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,kaaso loo magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed Sheekh Maxamed, waxana ay ku booriyen dhamanba bulshada soo maaliyed inay taageeran.
War kaan oo Urur diimedka ka soo baxay maanta oo Jimco ,ayaa sidoo kale waxaa ay ugu hadleen aragtidooda magacabista ra’iisal wasaaraha cusub,waxan aay ku sheegen inuu yahay ruux booska u qalma buuxin karana sida ay sheegen iyagoona inta ku daray in ra’iisul wasaaraha cusub uu yahay nin waayo aragnimo u leh, isla markaana uu ka soo jeedo Qoys Culumo ah.
…”"”"Waanu soo dhaweynay ra’iisal wasaraha uu madaxweynaha magacaabay oo loo magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed Sheekh Maxamed oo ah aqoonyahan soomaaliyeed oo ka soo jeeda qoys culumo ah, aabihii alaha u naxariistee waxaa uu ahaa qaadigii degmada Baardheere…”"‘ayaa lugu yiri qoraalka ka soo baxay Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna.
Sidoo kale culimada waxaa ay sheegen in Cabdiweli uu yahay nin yaqaana dhaqaalaha, isla markaana samata bixin kara shacabka dhibaatada daashatay labaatankii sano ee u dambeeyay, waxaana ay sheegeen inuu yahay nin ka soo shaqeeyay wadamo badan oo Islaam ah.
Waxaa ay fariin ugu direen r/wasaaraha cusub inuu soo dhiso xukuumad karti leh oo dalka ka samata bixisa dhibaatooyinka xaga nabadgelyo, siyaasada iyo dhaqaalaha, waxaana ay u rajeeyeen in Xukuumadiisa uu Alle la garab galo.
_____
RBC Radio