Kismaayo[RBC Radio]Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunt agobolka Jubbada Hoose,waxaa ay soo sheegaya in halka lugu dilay sargaal ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.
Sargaalkan waxaa la sheegay inay toogten labo nin oo dhalinyaro ah kuwaaso ku hubeysna bistoolado,waxana uu dilkiisa ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada.
Mas’uulkan la dilay ayaa waxaa lugu magacaabi jiray Cabdi Madoobe,waxana la sheegay in kooxdi dilka u geesatay ay ka baxsatay halkii ay ki dishay.
Ciidamada amniga ee maamulka Jubba ayaa gaaray goobti uu dilka ka dhacay,waxana ay ka waddaan baaritaan xoogan illaa xalay oo sargaalkan dilkiisu uu dhacay,illaa haddana ma jirto cid faah-faahin ka bixisay sida uu u dhacay dilka sargaalkan iyo cid loo soo qabtay.
Dilkaan waxaa uu imaanaya xilli dhawaan rag hubeysan waxay Kismaayo ku toogteen mas’uul ka tirsanaa maamulka dekedda Kismaayo.
______
RBC Radio
Kismaayo