Muqdisho (RBC) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta magacaabay raysal wasaaraha cusub ee dalka ayaa shaaca la qaaday in mudadadii tobanka maalmood ahayd ee uu waday wadatashiyada ku aadan xulista raysal wasaaraha in dadbadan ay soo dalbadeen xilka balse la tashi kadib uu xushay C/weli Sheekh Axmed.
“Mudaddii aan wadnay wadatashiyada waxaa xilkan soo dalbaday dad badan oo rag iyo gabdho Soomaaliyeed leh oo u orday inay qabtaan xilkan kuwaasoo aan isleeyaay way u qalmaan inay xilkan qabtaan, laakiin wadatashiyo ka dib waxaan C/weli Sheekh Axmed u magacaabay raysal wasaaraha Jamhuuyiyada Federaalka Soomaaliya.” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafladda ka sheegay in uu ku kalsoon yahay in C/weli Sheekh Axmed uu ka soo bixi karo xilka culus ee uu u igmaday inuu dalka u qabto, wuxuuna nmadaxweynaha dhinaca kale xusay in baarlamaankuna uu aragtidaasi ku raaci doono.
Inkastoo xaflada aanu soo xaadirin galabta raysul wasaaraha xilka baneynaya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa haddana waxaa xaflada ka dhex muuqday qaar ka mid ah wasiirada xukuumadda dhacday iyo tiro xildhibaano ah.
Maanta waxaa toban maalmood laga joogaa markii Baarlamaanka Federaalka ay codka kalsoonida kala noqdeen raysul wasaare Saacid iyo xukuumadiisa, waxaana raysul wasaaraha cusub ka hor inta uusan magacaabin gole wasiiro uu u baahan yahay helista codka kalsoonida ee golaha baarlamaanka.
RBC Radio