Muqdisho (RBC) Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ahna ku simaha guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in baarlamaanka uu la shaqeyn doono raysal wasaaraha cusubC/weli Sheekh Axmed.
Jeylaani Iikar oo galabta hadal ka jeediyey xafladii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku magacaabay raysal wasaaraha cusub ee dalka ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in baarlamaanka iyo guddoonkiisuba ay hambalyo u jeedinayaan shakhsiga ku guuleystay inuu noqdo raysal wasaaraha cusub ka dib markii baarlamaanka 2-dii bishan codka kalsoonida uu kala laabtay xukuumadii Cabdi Faarax Shirdoon.
“Waan u hambalyeyneynaa raysal wasaaraha cusub, waana soo dhoweyneynaa.” ayuu yiri Jeylaani Nuur Iikar oo intaa ku daray in baarlamaanka uu la shaqeyn doono.
Wuxuu guddoomiye kuxigeenka koowaad ka codsaday golaha baarlamaanka inay taageeraan raysal wasaaraha cusub si buu yiri shaqadiisa u guto.
Raysal wasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed oo ah nin ku cusub siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa u baahan inuu hortago baarlamaanka si uu u weydiisto codka kalsoonida ka hor inta uusan soo dhisin gole wasiiro.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo galanta si rasmi ah wareegyo ugu magacaabay C/weli Sheekh Axmed inuu noqdo raysal wasaaraha xiga ee dalka ayaa xafladda ka sheegay in uu ku kalsoon yahay in C/weli Sheekh Axmed uu ka soo bixi karo xilka culus ee uu u igmaday inuu dalka u qabto, wuxuuna nmadaxweynaha dhinaca kale xusay in baarlamaankuna uu aragtidaasi ku raaci doono.
Inkastoo xaflada aanu soo xaadirin galabta raysul wasaaraha xilka baneynaya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa haddana waxaa xaflada ka dhex muuqday qaar ka mid ah wasiirada xukuumadda dhacday iyo tiro xildhibaano ah.
Maanta waxaa toban maalmood laga joogaa markii Baarlamaanka Federaalka ay codka kalsoonida kala noqdeen raysul wasaare Saacid iyo xukuumadiisa, waxaana raysul wasaaraha cusub ka hor inta uusan magacaabin gole wasiiro uu u baahan yahay helista codka kalsoonida ee golaha baarlamaanka.
RBC Radio