Muqdisho (RBC) Iyadoo galabta xaflad ballaaran oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya taasoo lagu magacaabay raysul wasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa waxaa xaflada galabta ka maqnaa raysul wasaaraha xilka ka degaya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Xaflada ka dhacday Villa Soomaaliya oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiiro xukuumaddii hore ka mid ah, xildhibaano, siyaasiyiin iyo guddoonka baarlamaanka ayaa waxaa kursigii raysul wasaare Saacid ku fariistay Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah raysul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha gudaha.
Ma cadda sababta uu Saacid Shirdoon uga maqnaaday xaflada iyo in lagu casumay, hase yeeshee waxay dad badan isweydiinayaan bal inuu weli dhammaaday khilaafkii ka dhexeeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo raysul wasaare Saacid oo ahaa raysul wasaarihii ugu horreeyay ee kumeelgaarka ka dib dalku yeesho.
Caadi ahaan munaasabadaha magacaabista madaxda cusub waxaa ka qeybgali jiray madaxda xilka baneyneysa, iyadoo ay ku habooneyd in Saacid Shirdoon uu goobta ka hambalyeeyo raysul wasaaraha cusub.
Xukuumadii tan ka horreysay ayaa markii la magacaabayey oo ku beegneyd bishii November 2012 ayaa waxaa xilligaasi raysul wasaarihii ku-meelgaarka ahaa Dr C/weli Gaas kaasoo galabtii la magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon u hambalyeeyay isla markiiba xilka ku wareejiyay walow dawlada cusub aysan ahayn ku-meelgaar.
Si kastaba raysul wasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda xilka kala wareego rasmi ahaan raysul wasaarihii ka horeeyay Cabdi Faarax Shirdoon.
RBC Radio