Baaq Saxaafadeed ku aadan hab u socodka Doorashada Madaxtinimada Dowladda Puntland eeSoomaaliya.
Dallada ururada Bulshada rayidka ee Puntland(PUNSAA) ay ku mideysanyihiin qaybaha bulshada rayidka sida ururada Haweenka,Dhalinyarada,Culimada,Nabadoonada,Ganacsatada,Saxaafadda iyo Xirfadleyda ahna dhexdhexaaad fududeysa wadaxaadjoogyo dhexmara bulshada,dowladda iyo Bulshada caalamka,nabadgelyada,maamul wanaaga iyo u qareemida bulshada.
Shir lagu qabtau Magaaladda Boosaaso 12/Dec/2013,ayna iskugu yimaadeen qaybaha ururada bulshada rayidka .waxay uga wada xaajoodeen hab u socodka doorashada Madaxtinimada Puntland 2014.taasoo ku abuurtay walwal laba Gudi ee xalinta khilaafaadka ee ay kala magacaabeen Maamulka iyo Musharaxiinta waxayna ku baaqday qodobada :
- Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland(PUNSAA) waxay ugu baaqeysaa dadweynaha ,musharaxiinta iyo maamulka in la adkeeyo nabadgelyada ayna dhacdo doorasho ku dhisan hufnaan iyo cadaalad.
- Dalladda PUNSAA waxay ugu baaqeysaa Maamulka iyo Musharaxiinta in ay ku heshiiyaan Guddiga Xalinta khilaafaadka lagana siiyo haweenka xubno
- Waxay dalladu ugu baaqeysaa Maamulka iyo Musharaxiinta in la joojiyo hadalada xurgufta ah oo dhalin kara fitno iyo isku dhac.
- Dalladda PUNSAA waxay u saareysaa guddi dhexdhexaadiya Maamulka iyo Musharaxiinta si ay ugu heshiiyaan guddiga xalinta khilaafaadka iyo habsami u soocdka hannaanka doorashada.
Allaa mahad leh
Xiriirka : Email: Chair(at)punsaa.org Tell:+252907793526