Waxaa goor dhow lagu dhawaaqay R/Wasaaraha cusub ee badali doono Mudane Shirdoon ee xilka ay ka xayuubiyeen Xildhibaanada DF ka.
Saxaafada Muqdisho ka hawlgasha ayaa dhamaantood lagu wargaliyey in isugu yimaadaan Villa Soomaaliya ugu danbeyn Saacada Muqdisho maraka ay tahay 5ta Galabnimo.
Madaxweyne Xassan SH oo saxaafada kula hadlay Villa Soomaaliya ayaa sheegay in C/Wali SH Axmed uu doorbiday in uu u magacaabo xilka uu baneeyey Mudane Shirdoon.
Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri” Waxaan magacaabay Cabdiweli Sh. Ahmed oo aan aaminsanahay in uu yahay shaqsiga ugu haboon shaqadaan oo dib u dhiska dalka iyo ka soo kabashada dhaqaalaha sii wadi kara. Waayo aragnimo waxuu u leeyahay dhaqaalaha iyo horumarka oo uu hay’ado caalami ah soo hoggaamiyey.
“Iyadoo ay jiraan caqabdo fara badan haddana waxaan aad ugu kalsoonahay inuu Cabdiweli muddo gaaban ku sameyn doono isbedel dhanka dowlad wanaaga ah. Waxaana ka codsanayaa Baarlamaanka inay kalsooni siiyaan iyadoo loo eegayo danaha shacabka iyo dalka Soomaaliyeed.
“Waxaan markale u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdi Farah Shirdon oo shaqo wanaagsan soo qabtay, una rajeynayaa guul. Maanta waa inaan labo jibaarnaa dib u dhiska hay’adaha dowliga ah oo aan isbedello la taaban karo si dhaqso leh u sameynaa oo aan dhaqangelinta federaalka iyo sidii doorashooyin lagu gaari lahaa 2016 aan ka wada shaqeynaa.”
C/Wali SH Axmed waa aqoonyahan mudo dheer ka shaqeynayey Bankiga horumarinta Islaamka xaruntiisa tahay Dalka Sacuudiga heystana dhalashada dalka Canada.
C/Wali SH Axmed waxa dhalay SHiikh aad looga qadariyo deegaanada Gobolka Gedo waxa uuna kasoo jeedaa beesha Mareexaan khaasatan reer ugaas sharmaarke, qoyskiisa waxa ay u wareegeen xilayadii Burburka Dhanka ganacsiga daba orodka Siyaasada iskuma mashquulin jirin.
Waxaa ay wada dhasheen Yuusuf SH Axmed oo ahaa agaasimaha waaxda Farsmada iyo qandaraasyada Bankiga Ganacsiga iyo Keydka Soomaaliyeed Xiligii Dowladii AUN Maxamed Siyaad Bare.
C/Wali SH Axmed xiligii Farmaajo iyo Shirdoon loo magacaabayey Xilka R/Wasaare waxa uu ku jiray ragii hamiga kaga jirey xilkaan wareysiyana lagala yeeshay.
Madaxweyne Xassan SH iyo C/Wali SH Axmed ayaa ah niman wax badan dhanka afkaaraha firqooyinka isugu dhow, saaxiibo dhow waxa ay yihiin Xildhibaan Doodishe.
C/Wali SH Axmed xiliguu dowladii AUN Maxamed Siyaad Bare waxaa ahaa uu Maareeyaha guud ee heyada suuqgeynta xoolaha, dadka yaqaana waxa ku tilmaameen nin aan wax badan kala socon siyaasada Soomaaliya mana wato rag ka madaxbanaan xarakooyinka, waxaana dhib ku noqondoonta sidii uu uga badbaadi lahaa siyaasada Damul Jadiid.