Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19594

Amniga dalka Kenya oo si weyn loo adkeeyey

$
0
0
Ciidamada amniga Kenya oo jidadka Nairobi dhooban

Ciidamada amniga Kenya oo jidadka Nairobi dhooban

Nairobi[RBC Radio]Dalka Kenya ayaa waxaa looga dabal daggaya 50-sanad guuradii ka soo wareegatay markii Kenya xornimada kala noqotay Britain,waxana dabal daggaa u sababay in la xoojiyo amniga dalkaas.

Magaalada caasumada ah ee Nairobi waxaa lugu arkayey ciidamada kala gadisan ee dalkaasi oo ka qeyb qaadanaya xaqiijinta amniga,iyadoona waddooyinka waa weyn,garoonka diyaaraddaha iyo goobaha ay dadku isugu yimaadan la arkayey ciidamo baaritaano ka wadda.

Dalka Kenya waxaa uu cabsi weyn ka qaba weeraro ugu yimaada kooxda ka dagaallanta Soomaaliya ee Al Shabaab,taaso hanjabad kala gadisan ku dirtay inay weerari doonan guddaha Kenya.

Waxaa la sheegaya in la kordhiyey tirada ciidamada loogu talla galay inay ka qeyb qaatan sugida amniga iyadoona la garsiiyey  10,000 oo askari,kuwaaso loo diyaariyay inay adkeeyaan ammaanka Kenya gaar ahaan guddaha iyo daafaha magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi.

Benson Kibui  oo ah abaanduulaha Ciidamada Boliiska magaalada Nairobi ayaa sheegay in ciidamo si gaar ah u tababaran ugu tala galeen inay adkeeyaan ammaanka Nairobi inta ay socdaan xafladaha lagu xusayo 50-sanad guuradii ka soo wareegatay markii Dowlada Kenya xornimada ka qaadatay Dowlada Britain oo maanta ku beegsan.

Waxaa uu ku cel celiyey sargaalkan inay indho dheer u leeyihiin weeraro kaga yimaada wuxuu ugu yeeray “argagixisada”,,wuxuuna dhanka kale tilmaamay in ciidamo gooni ah u xilsaareen ilaalinta madaxda ka qeyb galeysa xuskaasi.

…”"‘Wax walba wan ka shaqeynay waxana xoojinay amniga si aysan khatar u imaan,waxana ino dheer u leenahay cid kasta oo isku dayda inay falal danbiyadyo geesata,waxaana la socana dhaq dhaqaaqa caasumada oo dhan,waxana adkeynay xilligaan ammaanka Nairobi iyo guud ahaan gobollada kale ay ka dhacayaan xuska waa la adkeeyay,mana jirto fursad ay helayaan kooxaha isku daya inay wax qarxiyaan ama carqaladeeyaan hanaanka wax ku socdaan ayuu yiri…”"”ayuu yiri Benson Kibui.

Xuska ka dhacaya dalka Kenya waxaa ka qeyb galaya madax kala gadisan oo Afrikaan u badan,iyadoona shacabka iyo madaxda dalkaasi Kenyana ay si weyn isugu diyaariyen.
_______
RBC Radio
Xafiiska Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19594

Trending Articles