Boosaaso(RBC Radio) Maamulaha guud ee Shirkadda ECCO Group ayaa sheegay in deegaanada Puntland keeneen qalab lagu karsanayo cuntada loogana maarmayo dhuxusha oo noqotay mid bulshadu si aad ah u Isticmaasho.
Mudane Cabdisalaam Shiikh Xasan oo Raxanreeb Online la hadlay ayaa sheegay inay keeneen Burkijooyin kuwaas oo loo Isticmaalayo dhuxul dhagax,taasina noqoneyso fikrad si weyn muhiimad ugu leh qeybaha bulshada Isticmaala dhirta laga shido dhuxusha.
……..””’ ECCO Group Soomaaliya oo keentay dalka fikrad cusub oo lagu badbaadinayo dhirteenii oo aad ogtihiin reerkii afarta qof ka koobnaa labadii bilood hal geed oo dhuxul ah ayuu shitaa ,Ujeedadadayadu waxa weeye inaan yareyno dhirta la jarayo Isticmaalkeeda….”””ayuu yiri.
Sidoo kale,wuxuu sheegay in dhagaxa laga shidayo dhuxusha aan meel kale laga dooneyn balse qof uu awoodi karo in meel kasta ka helo,lana Isticmaalayo meeshii laga shidan lahaa dhuxusha laga shido dhirta oo nabaad guur u keenta.
…….””’Hada waxaan keenay indhagax la shido meeshii dhuxul la shidi lahaa ,dhagaxaasi maahan mid meel kale laga raadinayo dalkeena ayuu yaalaa,buuraheena ayaa laga soo guray,badelkii dhuxusha ayaa la shidayaawaana la badbaadinayaa dhirteenii……..””’ayuu yiri.
Maamulaha guud ee Shirkadda ECCO Group Cabdisalaam Shiikh Xasan ayaa tilmaamay barnaamijkan ay ka faa’idi doonaan hooyooyinka Isticmaali jiray dhuxusha laga shido dhirta ,sidoo kale wuxuu intaas ku daray badbaadinta bay’adda Soomaaliya iney qeybweyn ka qaadan doonaan.
……….””Dadku hadey arintan fahmaan oo ay gataan burjugooyikakan ,waxay noqonayaan wax wakhti badan nahaya oo ay ka faa’idaan oo xitaa Hooyada cuntada karineysa Caafimaadkeeda ayuu u fiicanyahay ama qiiq ama wax kale uga imaan jireen…….””ayuu yiri.
Dadaalka loogu jiro yareynta jarida dhirta laga shido dhuxusha ayaa moodaa in marba marka ka danbeysa in la sii laba jibaarayo,waana mida keentay in Shirkadda ECCO Group dalka keento Birkijooyin loo isticmaalyo dhuxul dhagax.
________________
Cismaan Turaabi