Muqdisho (RBC) Sida uu sheegay ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Kay waxaa socda qorshe lagu doonayo in 12 diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca (helicopters) oo loo adeegsado dagaalada loo keeno ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.
Danjire Kay ayaa sheegay in xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridka taageerada AMISOM ee loo soo gaabiyo UNSOA uu diyaarinayo qaabkii iyo farsamadii ay diyaaradahaasi ku iman lahaayeen Muqdisho.
Diyaaradahan ayaa la sheegay in lagu soo beegayo xilli Dawlada Federaalka ah iyo AMISOM ay wada diyaarionayaan hawlgal culus oo ka dhan ah gobollada ay ku sugan yihiin Al Shabaab, oo la doonayo in dhowaan weerar lagu ekeeyo si looga saaro.
Muddo dheer Dawlada Federaalka iyo taliska AMISOM ayaa ku caban jiray inaysan helin awood ka badan tan Al Shabaab oo kaliya hubka ay heystaan Al Shabaab iyo kan dawlada iyo AMISOM ciidamadooda ay yihiin kuwo isku mid ah, ayna u baahan yihiin in la siiyo diyaarado duqeymo ka geysta dhulka Al Shabaab ku xoogan tahay.
Warar ku dhow taliska militariga ee Dawlada Federaalka ayaa sheegaya in diyaaradaha loogu talagalay in ay dusha ka taageeraan ciidamada dhulka ee dagaalamaya, waxaana diyaaradahan ay noqon doonaan markii ugu horreysay oo ciidamada AMISOM ay ku adeegsadaan gudaha Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 2007 dagaal uu ku dhexmarayey ciidamada Midowga Afrika ka socda oo taageeraya Dawlada Federaalka iyo Xarakada Al Shabaab.
Wasiirka Gaashaandhiga Dawlada Federaalka Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa dhowaan sheegay in meesha ugu horreysa ee hawlgalkooda ay ku qaadi doonaan ay tahay magaalada Baraawe oo hadda ah xarunta ugu weyn ee ururka Al Shabaab ayna joogaan saraakiishooda sare lagana soo diyaariyo weerarada lagu qaado magaalooyinka ay dawlada xukunto iyo kuwa kale ee deriska ah.
RBC Radio