Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19588

Madaxweynaha Puntland oo soo dhaweeyey in ay wada kulmaan Musharaxiinta (Dhagayso).

$
0
0

hh 

Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha dowlada Puntland Dr C/Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo saxaafada kula hadlay Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Kulan uu la yeesho Musharaxiinta dhigiisa ah ee kula tartamaya Xilka Madaxtinimo ee Puntland waxaana ku kulmi doonnaa Xarunta Madaxtooyada markii ay dhamaantood soo gaaraan Magaalada Garoowe ayuu yiri Mudane faroole.

 

“ Waan ku taamayay in aan wada kulanno Musharaxiinta laakiin hadii ay iiga hor mareen dhib uma arko waana soo dhaweynayaa raali ayaana ka ahay inaan wada hadalno waxaana ku kulmi doonnaa Xarunta Madaxtooyada, waaba muhiib in ay yimaadaan Guriga loo Tartamayo in laga hago dalka si ay dhiiranaan uga sii qaadaan Xilka ay u tartamayaan, sidaa ayuu yiri Mudane faroole.

 

Madaxweynaha Dowlada Puntland wuxuu sidoo kale  ka codsaday Odoyaasha dhaqanka iyo Isimada in wixii qilaafaad ah lagu soo xaliyo Deegaamada oo Caasimada loo soo diro Musharax ay beeshu raali ka tahay, wuxuuna cadeeyey Madaxweynuhu in  uusan raali ka ahayn in uu kusoo boxo Codka Xildhibaan Qilaaf ka taagan yahay wuxuuna sheegay in uu doonayo Masuul kasta oo Doorashadaa kusoo baxa in aysan eed raacin lagana dhigo tii uu horay ugu soo baxay oo kale.

 

Hadalkan Madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo Shalay Musharaxiinta Qaar ay Dalbadeen in wada hadal ay la yeeshaan madaxweynaha Puntland waxaana muuqanaysa in Madaxweynuhu taasi Aqbalay, waxaase wali Shaki ka taagan yahay halka uu kulanku ka dhici doono oo 2da dhinacba ay laba jiho kala sheegteen.

Hoos ka dhagayso Codka Madaxweynaha.


Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19588

Trending Articles