Baydhabo[RBC Radio]Xildhibaano ka tirsa Baarlamaanka Soomaaliya oo xilligaan ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ku kala qeybsan habka loo soo dhisayo maamulka gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo shirkiisu maalmahanba ka socdey Baydhabo.
Mudanayaasha ka tirsan Baarlamaanka oo ka qeyb-galaya shirka maamul u samaynta gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka socda Baydhabo ayaa iyagu wadda shirar gaar gaar ah oo ay la yeelanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Baydhabo.
Shariif Xasan Sheekh Aadan,guddoomiyihii horre ee Baarlamaanka Soomaaliya xilligaana ka mid ah xildhinaabanada hadda jira oo ka qeyb-galaya shirka ayaa sheegay in ay bulshada u sheegayaan in maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee la doonaya in la dhiso laga dhiso saddex gobol.
Waxana taasi ay kentay in khilaf xoogan uu yimaado iyadoona aragti taa ka duwan ay la yimaaden xildhibaanno ay ka mid yihiin xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo odayaal dhaqameedka hoggaaminaya shirka Baydhabo, kuwaas oo sheegay in shirka maamul loogu samaynayo lix gobol.
Odayaasha dhaqanka iyo ergooyinka shirka ka qeyb-galaya shirka ayaa sheegay in shirka uu yahay shir lix gobol maamul loogu dhisayo, iyaga oo ka digay in fara-gelin lagu sameeyo.
Sidoo kale xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in ay jiraan siyaasiyiin doonaya in shacabka ay ka dhaadhiciyaan in shirka maamul loogu sameeyo saddex gobol, taas oo uu sheegay in ay tahay fikrad khaldan oo laga dhaadhicinayo shacabka.
Si kastaba gobollada la doonayo in maamulka ay qeyb ka noqdan qar kood waxaa ka jira maamulo la aqoonsan yahay.
_______
RBC Radio
Xafiiska Baydhabo