Beledweyne[RBC Radio]Deegaannka Kabxanleey ee gobolka Hiiraan,ayaa wararka ka imaanaya waxaa ay sheegayan in markale ay dirir dhex martay labo beelod oo halka degga.
Illaa hadda waxaa la xaqiijiyey siddeed qof oo ku dhimatay iyo 20 kalena oo iyaguna ku dhaawacantay dagaal beeleedka oo maanta ka dhacay deegaanka Kabxanleey ee gobolka Hiiraan.
Dhaawacyada uu sababay dagaalkan ayaa waxaa la soo garsiiyey Isbitaalka guud ee maaalada Beledweyne halkaaso xilligaan lugu dabiibayo,sida ay xaqiijiyeen maamulka Isbitaalka.
Sidoo kale waxgarad ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay inay markale beelaha wadda degga deegaanka Kabxanleey uu dagaal dhexmaray,iyagoona ku baaqay in laga hortago inta uu san deegaanka oo idil ku fidin.
…”"”Waa in laga firsada in uu dagaalkan markale ka dhex bilowdey beelaha Kabxanleey,deggaa inuu sii fido,waxana ku baaqeyna in laga hortago…”"”‘ayuu yiri mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka.
Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo warbaahinta dhankiisa la hadlay ayaa cambaareeyay dagaalka dib uga qarxay deegaanka Kabxanley.
Deegaanka xilligan lugu dagaalamay ee Kabxanleey waxa ay 25 km waqooyi-galbeed ka xigtaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana muddooyinkii dambe ka jiray is qabqabsi dhanka beeraha ah.
______
RBC Radio
Xafiiska Beledweyn