Muqdisho[RBC Radio]Sii hayaha xilka wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,ayaa markii ugu horreysay sheegay in isbadal buuxa xilligaan lugu sameeyn doonno ciiidamada xooga dalka Soomaaliya,isagoona sheegay in qorshuhu yahay sidii awood buxda ay u yeellan lahaayen ciidamada Soomaaliya.
Fiqi waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday isagoo ka hadlayey wixii ay qabatay wasaaradda uu hoggaamin jiray sannadka ay jirtay,in si buuxda loo qalaben doono ciidamada dowladda Soomaaliya,isagoona soo hadal qaaday in dhawaan ciidamada gacanta loogalin doonno gaadiid milateri oo ay kol hore ku wareejisay dowladda Jabuuti, kuwaasoo ay ku jiraan beebayaal iyo gaadiidka xambaara ciidamada.
Waxaa kalo uu sheegay wasiirku inay ku guulesten qorsho ay muddo dheer ku haminayey maadamaa xilligaan ay dhiseen wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya,isagoona intaa raaciyey in tababaradi ugu horreysey guddaha Soomaaliya lugu siyey ciidamada Soomaalida.
…”"”Waxaa muqda ayan soo qabaney muddadii sanadka ahaayd,waxana soo qaadi kara in ciidamada dowladda la xoojinayo oo xilligaana qorshuhu socda,idinkoo og in Illaa iyo hadda an ku guuleysanay 1500 ciidan gaaraya inaan dalka gudihiisa ku tababarno, oo dhaqankooda iyo afkooda hooyo lagu tababaro, waana waxyaabihii wasaarada gaashaandhiga u qabsoomay mudadii sanadka in tababaradii dibada lagu siin jiray ciidamada xooga dalka inaan dalka gudihiisa u soo wareejino…”"”ayuu yiri C/xakiin Fiqi.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay C/xakiin Fiqi in heshiisyo ay la galeen dowladda Talyaaniga, kaasoo ahaa in tababar la siyo ciidamada xooga dalka, qalabeyntooda iyo tayeyntooda, waxaana uu tilmaamay in Talyaaniga uu kaalin ka qaatay dhismaha ciidamada xooga dalka.
…”"”‘Waxaan heshiis la galnay oo ciidamadoodii qarameynay Ahlu sunna oo qeyb weyn ka soo qaadatay la dagaalanka Al-Shabaab, dowladda Talyaaniga iyo Turkiga ayaa la galnay heshiis xaga ciidamada qalabeynta iyo tayeynta ah…”"‘ayuu yiri C/xakiin Fiqi.
Waxaa uu hadalkiisa ku soo xiray ku-simaha wasiirka gaashaandhiga inay ku han weynyihiin in ciidamada is garabsanaya iyo kuwa dowladda inay guud ahanba gacanta ku dhigaan gobollada dalka oo ay qaar kood ka taliyaan Al Shabaab oo dowladda la dagaallama.
________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho