Muqdisho[RBC Radio]Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa ka jawaab celisay,hadal ka soo baxay Marekanka kaaso dowladda Soomaaliya ku eedaysay inaysan si aan fiicneyn ula dhaqantay wariyashii ay xirtay todobaad ka hor, isla markaasna ay xukunka ku riday maxkamadda gobolka Banaadir, waxayna Xukuumaddu sheegtay in go’aanka lagu xiray wariye Faadumo oo sheegtay in la kufsaday uu ahaa mid saxan.
Ridwaan Xaaji oo ah afhayeenka xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in maxkamadaha Soomaaliya yihiin kuwo xilligaan bilow ah oo socod barad ah loona baahan yahay in la siiyo wakhti ay ku kobcaan.
…”"‘Maxkamadaha madaxa banaan ee dalku waxa ay ka mid yihiin hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliyada Cusub,mana aha qaangaar,waxa ay u baahan yihiin in ay helaan wakhti ay ku barbaaraan si ay u noqdaan qaar cadaalad ku kasbada shacabka…”"”ayuu yiri Ridwaan.
Sidoo kale afhayeenku waxaa uu so hadal qaaday in dawladu ka go’antahay madax banaanida saxaafada hadana waxa lagama marmaan ay tahay in warbaahintu mas’uuliyad muujiyaan, gabadha suxuufiyada ah ee sheegtay in la kufsaday oo 19 jir ah ayaa ugu warantay iddaacada Shabeele in laba suxuufi kufsadeen.
Si kastaba hadalkaan ayaa imaanaya xilli dowladda Marekanka hadal ka soo baxay lugu sheegay inay ka xunyihiin xukunka ay riday maxkamada gobolka Banaadir.
_____
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho