Dowladda Marekanka ayaa si adag uga hadashey xukun ay dhawaan riday maxkamada gobolka Banaadir,kaaso lugu riday gabar 19-jir ah.
Hadalkaan ayaa waxaa uu ka soo baxay wasaraadda arimaha dibadda ee Mareykanka, gaar ahaan laanta arimaha Africa, waxana lugu sheegay in Mareynkanka ka xun tahay xukunkii 9-kii bishan maxkamada gobolka Banaadir ay ku riday 19-sano jir,taaso sheegatay in la kufsaday,maxkamada ayaa sidoo kale xukuno ku riday wariye lagu eedeeyay inuu ka waramay warbixintaasi iyo milkiilaha warbaahinta wareysiga uu ka baxay.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Marekanka oo lugu magacaabo Will Stevens ayaa sheegay in xukunkan ay riday maxkamada uu noqon doono mid saameyn ku yeelanayo rabitaanka dadka ee ku aadan inay soo tabiyaan ama soo sheegaan falalka kufsiga ah ee lagu kaco.
Sidoo kale waxaa lugu sheegay warkaan Marekanka ka soo baxay dowlada Soomaaliya inay muujiso cadaalad ay maxkamadu xariga ku riday.
Marekanku sidoo kale waxaa uu dowladda Soomaaliya u sheegay in looga fadhiyo inay ilaaliso xuquuqda aadanaha,maamadaa Soomaaliya lagu sheegay inay ka mid tahay meelaha ugu badan dadka lagu dhibaateeyo.
Waxaa sidoo kale dowladda Somaliya ku boorineynaa ayaa warbixinta lagu yiri inay dhowrto dastuurkeeda oo ay xushmeyso xaqqa dadka uu u siinayo inay helaan dacwad qaadis cadaalad ah iyo saxaafad xur ah.
…”"”"Xarig lagula dhaqaaqo shaqsiyaad ka hadla kufsi ama soo tabiya tacadiyada kale ee ku saleysan jinsiga, waa mid ka hor imaaneysa qoddobada wax difaacaya ee ku jira dastuurka Somalia, waxey fariin qaldan u direysaa labadaba kuwa kufsiga geysta iyo kuwa loo geysto, waxeyna niyad jebineysaa, in lagu dhiirado oo la soo sheego dadka geysta falal dambiyeedyada waaweyn ah….”"”ayaa lugu yiri warbixinta.
Arrintaan waxaa ay imaanaysa xilli wali guddaha Soomaaliya ay ku soo badanayaan xukunada la xiriira kufsiga,inkasto dowladda Soomaaliya loogu baaqo in arrinta wax laga ogaado.
________
RBC Radio