Muqdisho (RBC) Xog ay heshay warbaahinta ayaa muujineysa warqad ay Dawlada Federaalka Soomaaliya kaga dalbatay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay in shaqada laga joojiyo madaxa ugu sarreeya kooxda la socodka Cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee loo yaqaano “UN Monitoring Group”.
Kooxdan ayaa warbixinadeeda ay soo saarto sanad kasta waxay kaga hadashaa musuqmaasuqa iyo xadgudubyada dhanka maamulka ee sy galaan madaxda dawlada Soomaaliya, iyadoo warbixintii ugu dambeysay ee sanadan 2013 ay kooxdu soo saartay ku muujisay lacago si sharci darro ah looga qaatay Bangiga Dhexe ee dalka, taasoo Dawlada Federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay si weyn uga caroota ayna beenisay.
Haddaba warbaahinta Innercity Press oo ka hawlgasha gudaha xarunta Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay codsi ka yimid Dawlada Federaalka Soomaaliya kaasoo Golaha Amaanka ay dawladu ku weydiisaneyso inay shaqada ka joojiso ninka ugu sarreeya kooxda “Monitoring Group” ninkaasi oo lagu magacaabo Jarat Chopra.
YAA DIRAY WARQADDA?
Warqad ka kooban labo bog oo ay ku saxiixan tahay wasiirka arrimaha dibadda ahna raysal wasaare ku xigeenka Dawlada Soomaaliya Fawsiya Yuusuf X. Aadam ayaa looga codsaday Golaha Amaanka in heshiiska shaqada (contract) ee Golaha Amaanka ku wakiishay ninka ugu sarreeya Monitoring Group ee la yiraahdo Jarat Chopra laga joojiyo, iyadoo Dawlada Soomaaliya ninkaasi ku eedeeysay inuu masuul ka ahaa warbixintii u dambeysay ee kooxdu soo bandhigtay ee lagu ceebeeyay Bangiga Dhexe iyo saraakiil sare oo ka tirsan Dawlada Federaalka.
Warqaddan oo ku taariikheysan 24, Oktoobar 2013, ayaa waxay wasiir Fawsiya ku dalbatay in Golaha Amaanku ay din u eegaan warbixintii u dambeysay ee Kooxda La Socodka Cunaqabateynta Hubka Soomaaliya iyo Eritrea ay soo saareen, gaar ahaan qeybta ay kaga hadleen “si xun u adeegsiga hantida dawlada” ee lagu shaaciyey warbixintaasi.
“Waxaan ka codsaneynaa xubnaha Golaha Amaanka inay dib u eegaan kana jawaabceliyaan waxyaabaha ay Soomaaliya ka cabatay iyo in goluhu jawaabcelintiisa u diro dhinacyadii ay kooxdu horey ugu dirtay warbixinteeda.”. ayaa lagu yiri warqaddan.
Wasiir Fawsiya ayaa dukumintigan waxay kaloo ku caddeysay warbixin jawaab u ahayd eedeynta Kooxda Monitoring Group soo jeediyeen taasoo ay diyaarisay shirkad Mareykan ah oo ay Dawlada Federaalka kireysatay si ay isaga difaacdo eedeymaha Kooxda Monitoring Group.
Waxay wasiirada warqaddan ugu sheegtay Golaha Amaanka inay wixii tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan warbixinta isdifaaca ah kala xiriiraan labo nin oo lagu kala magacaabo Jeremy Schulman iyo Jacob Frankel oo labaduba ka mid ah shirkadda Shulman Rogers.
Laakiin dhinaca kale waxay su’aal ka dhalatay waqtiga la shaaciey warqaddan oo ahayd usbuuc ka dib markii Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ay rideen xukuumadda raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon taasoo wasiir Fawsiyana ay ka tirsan tahay.
HALKAN KA EEG WARQADDA AY DIRTAY WASIIR FAWSIYA
RBC Radio