Jowhar[RBC Radio]Waxaa baadi goob loogu jira tiro dad ah oo lugu sheegay illaa hadda in la ogyahay saddex ruux,kadib markii ay kula dhacdey deegaan ku dow Jowhar dooni ay ugu gudbayeen wabiga.
Xilligi ay doonta la dhacaysay dadka sarnaa waxaa ay mareysay meel dhowr KM u jirta magalaada jowhar ee xarunta gobolkaasi, doonta oo ah nooca huuriga loo yaqaan ayaa dadkan waxa ay ugaga gudbayeen goob lagu magacaabo buqda Dhaaygawaan oo illaa 5km u jirta magaalada Jowhar,waxaana sida warku sheegayo doonida siday dadkaasi u weecatay dhinaca buqda.
Sidoo kale waxaa xilligaan la xaqiijiyey in intii badneyd dadkaasi ay badbaadeen oo la helay hase ahaatee ilaa 3 ruux lawaayey oo wali la baadigoobayo ,kuwaas oo la sheegay in labo kamid ahi ay ahaayeen dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa doontaasi qalibantay halka kan kalena uu ka mid ahaa raggii doonta waday ama naaquudaha ka ahaa, labo ruux oo ka mid ah 3 ruux-da ruux ee lagu la’ yahay buqdaasi ayaa magacyadooda lagu kala sheegay C/hi Xasan Axmed (Shugufey) iyo C/qaadir Xasan Caddow(Basal) kuwaas oo ka mid ahaa dadka degan deegaanka dhaaygawaan, halka qofka saddexaad magaciisa aan wali la helin.
Si kastaba ha noqote tan iyo markii fatahaada uu sameeyey wabiga Shabeelle waxaa adkaatay habkii looga gudbi jiray wabiga.
_________
RBC Radio
Xafiiska Jowhar