Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20124

Madaxweyne Xasan Sh oo Kormeeray Xarumaha Ciidanka XDS ee Muqdisho,Baaqne u Diray Ciidamada Dowlada

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Muqdisho(RBC Radio)  Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sh Max’uud ayaa maanta booqasho ku maray xeryaha ugu mihiimsan ee ciidamada qalabka sida ay ku leeyihiin gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya madaxweynaha ayaa gaaray xarunta wasaarada gaashaandhiga oo dhawaan dayactir lagu sameeyey iyo xarunta ugu weyn ee ciidamada qalabka sida ee Villa-Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa kulan kula qaatay xarunta Villa-Baydhabo saraakiisha ugu saraysa ciidamada xoogga dalka  markii uu soo idlaaday kulankii uu lalahaa saraakiisha ayuu madaxweynuhu halkaas ka jeediyey qudbad aad u dheer oo uu kula dardaarmayo ciidamada xooga dalka.

Madaxweyne Xasan Sh ayaa u sheegay ciidamada qalabka sida ee dalka in suuqa ay ugu jirto xan ku aaddan iney ka weecdeen hawshii loo igmaday ee ahayd difaacida sharafta,hantida iyo nafta shacabka Soomaaliyeed kadib markii ay caadeysteen dilka dhaca iyo kufsiga dadka rayidka ah wuxuuna ugu baaqay iney iska Mayraan xumaanta ay ka aamineen bulshada Soomaaliyeed isla markaane ay soo celiyaan sharaftii ay lahaayeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha umada Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay saraakiisha hogaaminaya ciidamada xooga dalka iney ciidanka xakameeyaan isla markaane ay ka hortagaan iney dhibaato u geystaan shacabka Soomaaliyeed wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowlada Soomaaliya aysan marna aqbali doonin in la dhibaateeyo umada Soomaaliyeed.

Xasan Sh madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa ku celceliyey dardaaranka uu u jeedinayey ciidamada qalabka sida iyo saraakiisha hogaamiya taasoo salka ku haysa iney ka taxadaraan kana fogaadaan dhibaateynta shacabka isagoona xasuusiyey iney u dhaarteen iney shacabka difaacaan.

 SAWIRADA BOOQASHADA MADAXWEYNAHA HALKAAN KA EEGO

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20124

Trending Articles