Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

DEG DEG: Madaxweyne Faroole oo hortagay Baarlamaanka Codsina u jeediyay.

$
0
0

Garoowe RBC RADIO Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud faroole iyo Xubno ka tirsan  Golahiisa Wasiirada ayaa Maanta hortagay Golaha Wakiilada Puntland iyadoo ujeedada ugu muhiimsan ee uu Madaxweynuhu u danlahaa ay tahay in Xildhibaanada la horgeeyo wax ka bedelka qaar ka mid ah Qodobada Doorashooyinka golaha deegaanka oo ay Gudiga doorashooyinka Puntland usoo gudbiyeen Golaha Wasiirada isla markaana loo soo baasgareeyey iminka Golaha Wakiilada si ay u Meel Mariyaan.

Kal fadhi aan caadi ahayn ayaa laysugu yeeray  in ka badan 40  Xildhibaan oo Madasha Xaadir ku ahayd waxaana shir gudoominayay Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi iyo ku xigeenkiisa iyadoo Gudoomiyuhu uu sheegay in Xildhibaanadu ay Fasax ku maqnaayeen balse laga maarmi waayay in kulankan deg dega ah oo danta caabka ah ay ku jirto loo qabto sida uu Gudoomiyuhu yiri wuxuuna kusoo dhaweeyey intaa  ka dib Madaxweynaha Puntland Dr Faroole.

Madaxweyne C/raxmaan oo hadalka  qaatay ayaa xildhibaanada uga mahadceliyay soo laabadkooda iyo tixgelinta ay muujiyeen iyagoo wali uusan fasaxooda u dhamaaan, wuxuu madaxweynuhu sheegay in dadku ay qaldamaan mar walbana dib loogu noqdo wax mar hore heshiis laga gaaray ama la ansixiyay isagoo sheegay in qorshaha ay u socdaan uu yahay in dib wax looga badalo Doqobo qaar oo ka mid ah Doorashooyinka Golaha Deegaanka oo lagama maarmaan ay noqotay in isbedel lagu sameeyo iyadoo la tixraacayo waqtiga oo yar iyo Daruufo jira awgood sida uu madaxweynuhu yiri.

“ Qodobada laga badalayo Dastuurkeena ma ahan mid ay dani ugu jirto gudiga Doorashooyinku mana ahan mid ay dan gaar ah ugu jirto maamulka hada Puntland ka jira ee waa mid caam ah oo laga fursan waayay in laga gudbo waan jeclayn in sidaas ay wax u dhacaan laakiin Caqabado ayaa jira oo arimahasi ka gudub kooda ka horyimid waqtiguna waa ina hayaa oo waxaa la doonayaa Sadaxda bil ee nasoo aadan in aan Doorashooyinkii Golaha Deegaanka Qabano sidaa darteed waxaan idinka Codsanayaa oo aan idinka rajeynayaa in aad Hawsha inoo fududeesaan mana ahan wax shaqsi uu gaar u leeyahay ee waa wax inoo dhaxaysa anagana  ina wada sugaysa,sidaana waxaa yiri Madaxweynaha Puntland Dr C/Raxmaan faroole.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay jiraan dad diidan in Xisbiyo ay ka furmaan Deegaanada Puntland kuwaasi oo ku mar marsiyooda sida uu hadalka u dhigay in Hub badan uu gacanta ugu jiro shacabku wuxuuse daliil usoo qaatay in dalka Maraykanka ee ah quwada  aduunka in Hub uu gacanta ugu jiro shacabka hadana ay si xor ah doorashooyinku u dheceen, isagoo sheegay in meel layska fadhiyaa bedelkeed ay dhaanto in wax la qabto balanqaadkii horay loo muujiyayna laga dhabeeyo.

Mudane faroole wuxuu kaloo ka hadlay arimaha Federaalisimka isagoo cadeeyey in Raysul’Wasaare Saacid imaanshihiisii garoowe ay ka wada hadleen in deg deg lagu hirgesho Dowlad goboleedyo la mid ah Puntland sida jubbaland iyo kuwo kale oo la sameeyo isagoo rajo ka muujiyay in Dowlada Federaalku ay arintaasi xooga Saari doonto, Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in Dalka uu ka jiro Sicir barar aad u xoogan oo is bedel uu ku yimid Doolarka iyo Sh, Soomaliga sidaa darteedna loo baahan yahay in taxadar badan la sameeyo isagoo rajo ka muujiyay is bedel arintaa la xiriira  uu deg deg u imandoono.

Intaa ka dib  Xildhibaanada ayaa loo qaybshay Waraaqa ay ku Xardhanyihiin Qodobadii la badalay iyo kuwii lagu Badalayba waxaana Gudoomiyaha Baarlamaanku ka codsaday in ilaa 8da Subaxnimo ay soo aqriyaan kadibna Go’aanka laysugu iman doono Berito oo ay Taariiqdu ku beegantahay 25-3-20013 iyadoo ay madasha goob joog ka ahaandoonaan Xubnaha Gudiga Doorashooyinka kadibna Xildhibaanadu ay su’aalo waydiin doonaan, iyadoo intaa kadibna ay Xildhibaanadu ay ansixin Doonaan ama ay diidi Doonaan Qodobada la horkeenay. 

Qodobada ugu muhiimsan oo wax laga badalay ayaa waxaa ka mid ah in Qofka wax dooranayaa uu yahay Puntlander wata warqada Cadaynta, iyo in Qofku is diiwaan geilyo intuusan Codayn ka hor, iyadoo lagu badalay in Qofka Puntlander yahay balse laga reebay meesha Warqadiii cadaynta, iyo in Qofka  uu is diiwan gelinkaro Maalinta Doorashadu socoto oo aan wax sharuud ah lagu xirin, waana  mida dhalisay in 5ta Urur siyaasadeed eeka jira Puntland marka laga reebo HORSEED  ay ka biyo diideen arintaasi is afgaran waana uu kusoo dhamaaday Kulan ay ururadaasi la  yeesheen Gudiga Doorashooyinka ee la xiriirta wax ka bedelka Qodobada Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Puntland,waxaana Xildhibaano  si hoose ula hadlay Raxan-Reebna  ay saadaaliyeen in Golaha wakiiladu uu hirgelindoono Codsiga Xukuumada uga yimid iyadoo aan la ogayn go’aanka rasmiga ah oo ay qaadan doonaan Ururada arintaasi ka soo horjeeda hadiiba ay dhacdo.

 

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka ee garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles