Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19709

XOG: Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka oo Xusul Duub ugu Jira Kursiga Raysul Wasaaraha Dalka

$
0
0

Kulanka-Baarlamaanka-Maanta-110Muqdisho (RBC) Iyadoo wadatashiyo xoog leh oo ku aadan xulista raysul wasaaraha cusub ee dalka ay weli ka socdaan xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa dhinaca kal sii kordhaya dadka ku biiraya loolanka musharixiinta kala duwan ay ugu jiraan helista kursigaasi.

Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa ka mid ah dadkii ugu dambeeyay ee waraqahooda gudbiyey si ay uga qeybgalaan tartanka lagu xulanayo raysul wasaaraha cusub oo laga filayo in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu soo magacaabo.

Xildhibaanada ku biiraya tartanka ayaa la sheegay inay qaarkood taageero ka heystaan baarlamaanka oo ay ka soo ballansadeen in codka baarlamaanka lagu taageero.

Madaxweynaha dawlada federaalka ah Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay qaabilay in ka badan 10 musharax oo dhammaantood uu la yeeshay wareysi ku aadan waxqabadka ay damacsan yihiin haddii ay kursiga raysul wasaaraha ku guuleystaan.

Warar ku dhow Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynuhu hadda soo gabagabeeyay wadatashiyada uuna kala xulanayo liiska dadka ugu dambeeya ee soo baxay. Waxay u badan tahay in illa Jimcaha la magacaabo wasiirka koowaad.

Magacaabista raysul wasaaraha iyo muhimada kulamada socda dartood ayaana la sheegayaa in madaxweynuhu u baajiyey ka qaybgalka xuska 50-guurada ka soo wareegatay xuriyadda wadanka Kenya oo ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.  Waxaa xaflada Kenya galabta u dhoofay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo la sheegay in madaxweynuhu wakiishay.

Si kastaba waxaa la dhowrayaa warqadda ka soo bixi doonta Villa Soomaaliya iyo shakhsiga noqon doona raysul wasaaraha labaad ee dalka ee uu madaxweyne Xasan magacaabo saacadaha soo socda, waxaana qodobkan hadda uu yahay waxa ugu weyn ee dadka Soomaaliyeed ay dhegaha u taagayaan.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19709

Trending Articles