Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19588

Musharax Cali Cabdi Awaare oo Booqday Dekedda Iyo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso[Sawirro]

$
0
0

DSC02449Boosaaso[RBC Radio] Musharax Xilka madaxwaynaha Puntland Cali Cabdi Awaare ayaa maanta booqashooyin ku kala bixiyay kaabayasha dhaqalaha ee magaaladda Boosaaso isagoo si gaar ah u kormeeray Dekedda wayn ee  Boosaaso iyo sidoo kale garoonka diyaaradaha ee Banderqaasim International Airport.

Ugu horayn wafdigan uu hogaaminyay Musharax Cali Cabdi Awaare ee gaaray dekedda  Boosaaso waxa uuna indha-indheeyay qayabaha kala duwan ee dekadda xiligaas oo ay mashquul ku ahayd dejinta iyo dhoofinta badeecadaha iyo Xoolaha nool.

Cali Cabdi Awaare ayaa xili uu warbaahinta kula hadlay gudaha dekadda Boosaaso ayaa sheegay in hadii  uu ku guulaysto kurisga Madaxwaynaha uu hormarin doono dekadda islamarkaana kuwo kale laga hirgalin doono deegaanadda kale ee xeebaha leh kuna habooon dekedd inay yeshan.

DSC02393Dhinaca kale Musharax Cabdi Awaare ayaa booqday Garoonka diyaaradaha ee  Boosaaso Bander qaasim Airport oo kamid ah kaabayasha dhaqaala dalka.

Musharx Madaxwayne Cali Cabdi Awaare ayaa noqonaya musharixii ugu horeeyay ee u taagan xilka Madaxwaynaha ee booqday muhiimadna siiyay ilaha dhaqaalaha Puntland gaar ahaan magaaladda ganacsiga ee Boosaaso .

Si kastbaha ha ahaatee Musharax Awaare ayaa soo gaaray magaaladda Boosaaso asbuucan gudihiisa si wayna loogu soo dhaweyay xili ay inagu soo wajahnatahay doorashadda madaxnimo ee puntland oo horaanta bisha soosocota ka dhici doonta magaaladda Garawe.

DSC02481 DSC02479 DSC02476 DSC02472 DSC02471 DSC02470 DSC02469 DSC02467 DSC02463 DSC02461 DSC02455 DSC02453 DSC02452 DSC02449 DSC02448 DSC02445 DSC02442 DSC02441 DSC02439 DSC02437 DSC02434 DSC02431 DSC02430 DSC02429 DSC02428 DSC02426 DSC02425 DSC02421 DSC02419 DSC02417 DSC02414 DSC02413 DSC02411 DSC02405 DSC02404 DSC02402 DSC02401 DSC02398 DSC02394 DSC02391

______________

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19588

Trending Articles