Muqdisho[RBC Radio]Maxkmada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maantay xarun cusub ka furatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Sii hayaha xilka wasaarada gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi,ayaa maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya,waxaa uu sheegay in maxkamada ciidanka qalabka sida, ay maanta xarun ka furatay magaalada Beledweyne.
Sidoo kale wasiirku waxaa uu soo hadal qaaday in xarunta ay maxkamadu ka furatay magaalada Beledweyne, ay u dhan yihiin dhinacyadii loogu talla galay, in ay ka hawlgalaan.
Fiqi waxaa uu hoosta ka xariiqay in Maxkamadu ay qaadi doonto, fal dambiyeedyada la xiriria Ciidamada Dowladda ee ka hawlgala Gobolka Hiiraan iyo Ururka Al Shabaab.
Sidoo kale wuxuu xusay in gobollada koonfurta iyo bartamaha ee Soomaaliya, ay gaarsiin doonaan xarumo ay lee dahay maxkamada ciidanka qalabka Sida.
Qorshayaan ayaa la sheegay inuu yahay mid lugu ballaarinayo xarumaha ay dalka ke leedahay maxkamada ciidamada qalabka sida.
______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho