Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,warar an ka helayno waxaa ay sheegayan inuu baajiyey safar qorshihiisu uu ahaa inuu maantay ku tago dalka Kenya,gaar ahaana magaalada caasumada ah ee Nairobi.
Ma jirto illaa hadda cid ka hadashey socdalka uu baajiyey madaxweynaha,balse warar hoose oo an wali la xaqiijin waxaa ay inoo sheegayan inuu madaxweynaha safarkiisa u joojiyey arrimo la xiriira soo magacaabista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya,in kasto la sheegayo inay wali socdaan shirarkii latashiyada ahaa ee uu madaxweynuhu waday.
Warar maantadi horre soo baxay ayaa sheegayey in madaxweynaha ay sura gal taay inuu ku dhawaaqo ruuxa qaban doonna xilka R/wasaaraha Soomaaliya,maadamaa ra’iisal wasaarihii horre baarlamaanku ay rideen.
Waxaa wali la sugayaa magacaabista Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo wali laga dhur-sugayo in madaxweynuhu uu magacaabo qofka xilka qaban doonna.
Si kastaba ha noqotee wararka waxaa ay sheegayaab in madaxweynaha uu diyaar garowgii u dambeeyay ugu jiro soo magacaabadi Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo ay u badan tahay in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo.
Wixii warar ee ku soo kordha magacaabista R/wasaaraha ka dhoowr Raxanreeb.com
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho