Garoowe (RBC RADIO) Gudiga Khilaafaadka ee Xiliga Doorashooyinka ee uu Magacaabay Madaxweynaha Puntland ayaa isu imadkoodii ugu horeeyey waxay ku yeesheen Magaalada Garoowe Xarunta Baarlamaanka waxayna shir Saxaafadeed ay ku qabteen halkaasi kaga codsadeen Odoyaasha dhaqanka iyo Isimada in ay sida ugu dhaw ay kusoo gudbiyaan Xildhibaanada ay soo xulaan si hawsha dardarteeda loo galo maadaama uu waqtigu is gurayo waxay sheegeen in ay la shaqayn doonaan cid walba oo musharaxiinta xataa ay ku jiraan ayna ka shaqaynayaan isfaham iyo midnimo.
Maxamed C/Qaadir oo ah Xoghayaha Gudiga iyo Engineer Maxamuud Axmed Xasan oo ah Afhayeenka Gudiga Khilaafaadka ayaa Saxaafada la hadlay iyadoo goob joog ay ahaayeen Xubnaha Kale ee Gudiga oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gudiga Khilaafaadka.
Hoos ka dhagayso Codka Xoghaynta iyo Afhayeenka gudigan Khilaafaadka.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.