Muqdisho[RBC Radio]Ciidamo kawadda tirsan kuwa dowladda faderaalka Soomaaliya,ayaa iska hor imaad uu ku dhex maray guddaha magaalada caasumada ah Muqdisho,waxana ka dhalatay dhimasho isku dhacaas.
Dagaallka dhexmaray ciidamada kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,waxaa uu dhashay kadib markii ciidamadu ay isku fahmi waayen lacago isbaaro ah oo ay ka qaadi jireen gaadiidka.
Waxaa uu isku dhacaan ku dhexmaray ciidamada dowladda faderaalka deegaannka Oodweyne ee Degmada Dayniile.
Dadka ka deegaanka goobta uu dagaallku ku dhex maray ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u xaqiijiyey,jiritaanka dagaallkan,waxana ay sheegen inay dagaallamen ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Milateriga,waxana dagaallkasi uu dhaliyey inay geeryodan qar ka mid ah askartii dagaallantay.
illa hadda waxaa l axaqiijiyey inuu geeryoodey hal askari oo Milateri ka tirsan , lama xaqiijin wax dhaawac ah iyo khasaaro intaasi ka badan oo jira.
Xiisada ka dhex dhalatay ciidama waxaa la sheegay inay qaboojiyeen ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya oo kala dhexgalay ciidanka.
Ciidamada Milateriga ayaa ku dagaalama lacagaha isbaaroyinka ay ka qaataan gaadiidka,tasao qeybo ka mid ah isbooroyinka yaalla Muqdisho laga qaado.
______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho