Muqdisho (RBC) Sida u sheegay taliyaha ciidamada AMISOM ee qeybta 1aad (sector one) ciidamada AMISOM ayaa ka cabanaya dib u dhac ku yimid mushaharaadkii ay qaadan jireen oo la soo marsiin jiray ururka Midowga Afrika.
Brig. Michael Ondoga oo ah taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga ahna taliyaha qeybta koowaad (oo ay hoos yimaadaan ciidamada ku sugan saldhigyada Muqdisho, Afgooye, Marka, Jowhar, illaa Buurhakaba) ayaa shaaca ka qaaday in musharaadka ay ka soo raagaan ciidamadooda iyadoo sida uu sheegay mudo dhowr bilood ah aan helin musharaadka.
“Waxaa jira dib u dhac mararka qaar ku yimaada musharaadka sababo dhanka farsamada darteed ah, maxaa yeelay lacagta waxaa ka timaada Midowga Afrika waxaa lagu soo hagaajiyaa wadamada ay ciidamada ka joogaan. Dib u dhacan waa loo sharaxaa ciidamada markasta.” ayuu yiri Michael Ondoga oo u waramay wargeyska The Monitor.
Wuxuu sarkaalkani sheegay in dib udhaca musharaadka ay heli jireen ciidamada AMISOM aysan wax saameyn ah ku yeelanin xagga niyada maadaamabuu yiri, dagaal adag ay ku jiraan ayna u baahan yihiin inay si joogto ah u helaan musharaadkooda bil kasta.
Dhinaca kale mar uu ka hadlay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Uganda iyo Burundi ee dib ugu laabta wadamadooda xilliga fasaxa aysan helin wax mushahar ah ayaa wuxuu sheegay in askarigii maqnaada in ka badan 21 maalmood aanu wax lacag ah ku lahayn AMISOM.
“Ma heysano duulimaadyo dhanka maamulka ah, kaliya waxaan helnaa duulimaadyo dhanka sahayda noo keena. Waan u sheegnaa askarta fasaxa aadeysa in cidii maqnaata 21 maalmood ka badan inaan loo heynin mushahar.” ayuu yiri Brig. Michael Ondoga.
Hawlgalada AMISOM
Mar taliyahan la weydiiyey xilliga ay bilaabayaan hawlgaladooda deegaanada ay weli ku harsan yihiin Al Shabaab wuxuu sheegay in qeybta koowaad [sector one] ay uga harsan yihiin magaalooyinka Qoryooley, Baraawe iyo Mahaaday oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose halkaasna ay dhowaan u dhaqaaqi doonaan, sida uu yiri.
“Waxaanu wadnaa inaan xaqiijino amaanka goobaha aan hadda joogno, anagoo la kaashaneyna dadka deegaanka sida beeraleyda, iyo dadka ku nool tuulooyinka, si aysan u xumaanin amaanka waddooyinka iyo goobaha sahayda noo soo mareyso, markaas kadib ayaan ku dhaqaaqeynaa qabashada goobaha harsan.” ayuu sii raaciyey.
RBC Radio