Kismaayo[RBC Radio]Magaalada Kismaayo waxaa ay ciidamada amniga ee maamulka Jubba ka sameeyeen howlgallo ballaaran oo lugu baadi goobayey ciidi ka danbeysay dil loogestay sargaal ka tirsana maamulka Jubba.
Ciidamada nabad-sugida ee maamulka Jubba ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo xilligaan baaritan uu ku socdo kuwaaso looga shaki qabo inay ka danbeeyen sargalka maamulka ka tirsana oo ay koox bastoolada ku hubaysan toogten.
War ka soo baxay mas’uuliyin u hadashey wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubba,waxaa ay sheegen in la qab-qabtay dad badan oo laga shakiyey, isla markaasna haatan ay socdaan weydiimo iyo baaritaano lagu samaynayo dadka xir xiran.
Ciidamada dhankooda howlgallada sameeyey waxaa ay sheegen inay qabteen dad kor u dhaafaya 40 ruux,kuwaaso xilligaan baaritan uu ka socdo.
Sargaal ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba ayaa la dilay xilli horre oo xalay ahaayd, lama oga ilaa hadda waxa uu salka ku hayo dilka loo geystay sarkaalka ka tirsan dekedda magaalada xeebta ah,waxana lugu magacaabi jiray Macallin Axmed.
______
RBC Radio
Xafiiska Kismaayo