Muqdisho[RBC Radio]Hoggaamiyaha Soomaaliya Xassan Sheekh,ayaa la sheegaya in xilli dhow uu ku dhawaaqi doonno R/wasaaraha cusub ee ay yeelanayso xukuumada Soomaaliya.
Madaxweyne Xassan Sheekh waxaa la sheegay inay usoo dhamaaden kulamadii uu ku xulayey siyaasiyin dhoor ah oo xilka u tar-tamayey kuwaaso doonayey inay hoggaamiyan xukuumada cusub ee laga dhowrayo madaxweynaha.
Sidoo kale waxaaa jirta in madaxweynaha uu wadday maalmihii an kasoo gudubnay shirar iyo kulamo uu la yeelanayey xildhibaanada baarlamaanka ,ururada bulshada rayidka ah iyo qeybaha kale ee bulshada,halka sidoo kale uu mid mid u qaabilay musharraxiinta baadi goobka ugu jira xilka R/wasaaraha , kuwaasoo soo gudbiyay codsiyada lagu dalbanayo xilka inay ku qabtaan,wararka an helano waxaa ay inta ku darayaan in qeyb ahaan ay soo dhamaaden kala doorashada siyaasiyiinta uu ka fiirsanayo in ay xilkaasi qabtaan,islamarkaasna laga yaabo inuu saacadaha soosocda ku dhawaaqo,inkastoo suragaltahay inay daqiiqad kasta wax isbedelikaraan.
Xassan Sheekh madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu xilligaan diyaar garowgii u dambeeyay ugu jira soo magacaabida hoggaamiyaha koowaad ee xukuumada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa shalay xog-wareysanayey xubnaha soo gudbiyay codsiyada ee dadaalka ugu jira in loo magacaabo R/wasaaraha , waxaana musharrax walba uu kulanka la qaadanayay in ku dhow nusa saac.
War kale oo an helayo waxaa uu inoo xaqiijinaya in laga yaabo madaxweynaha inuu ku dhawaaqo gelinka dambe ee maanta ama maalinta berri, hase ahaatee waxay u badan tahay in toddobaadkan gudihiisa aysan dhaafi doonin magaacibsata R/wasaaraha.
Culeeska siyaasaded ee xilligaan fulay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa yimid kadib markii dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya ay kalsoonida kala labteen R/wasaarihii horre Saacid,taaso dhalisay in madaxweynuhu mashqul xooggan uu ugalo sidii uu booska u bixin lahaa,balse waxaa jirta in xilligii lasoo magacaabayey R/wasaaraha la riday madaxweynuhuu uu la soo daahay magacaabistisa,inkasto xilligaan uu sheegay Xassan Sheekh inaysan ku dheeran doonin soo magacaabista wasiirka koobaad ee xukuumada la dhowrayo.
Haddaba akriste hadba sida uu xalku ku danbeeyo kala soco Raxanreeb.com
________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio