Muqdisho (RBC) Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Kay ayaa shaaca ka qaaday codsi deg deg ah oo ku aadan in ciidamo Qaramada Midoobay ka socda loo soo diro si ay u waardiyeeyaan xafiiska UNSOM ku leedahay Muqdisho.
Mr Kay ayaa dalabkan shaaca ka qaaday ka dib markii habeen hore muuqaal toos ah isagoo ku sugan magaalada Muqdisho uu kaga qeybgalay shir ay lahaayeen Golaha Amaanka Qaramada Midooday kaasoo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee New York.
“Muqdisho weli waa meel halis badan ka jirto oo ay dhib badan tahay in lagu shaqeeyo, Al Shabaabna waxay muujiyeensida ay u damacsan yihiin inay weeraraan saaxiibada caalamiga ee dalka jooga oo UN-kana ku jiro. Damacaasuna weli waa uu jiraa” ayuu hadalkiisa ku yiri Nickolas Kay oo ay dhageysanayeen 15 ka xubnood ee joogtada ah ee Golaha Amaanka.
“Waxaan soo dhoweynayaa codsigii Golaha Amaanka ee ku jiray Qaraarkii tirsigiisu ahaa 2124 in la soo bandhigo si faahfaahsana loo qorsheeyo in la keeno ilaalo gaar ah oo UN-ka ka mid ah oo waardiyeeya xafiiska UNSOM ee Muqdisho.” ayuu sii raaciyey.
Xafiiska UNSOM ee Muqdisho iyo midka Midowga Afrika oo ka mid ah dhowr xafiis oo reer galbeedka leeyihiin ayaa waxaa hadda ilaaliya ciidamada AMISOM, waxayna kudhex yaalaan xerada Xalane, balse lama oga cabsida uu sheegayo Mr Kar iyo inuu damacsan yahay in xafiiska loo wareejiyo magaalada dhexdeeda sidaas awgeedna uu u baahan yahay ciidamo ku ilaaliya magaalada.
Ergeyga Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in Soomaaliya ay noqon karto wadan amaan ah oo ka jira adduunka iyo gobolka ay ku taallo marka ay hesho hay’ado dawladeed oo adag.
Wuxuu u sheegay Golaha Amaanka in dhibaatada ugu weyn ay tahay amniga isagoo daboolka ka qaaday inay socdaan qorshayaal dawlada federaalka ah iyo ciidamada AMISOM ay wadajir ugu weerari doonaan gobollada weli ku jira gacanta kooxda Al Shabaab, kuwaasoo bu yiri haddii aysan deg deg u dhicin inay khatarteeda yeelan karto awooda Al Shabaabna ay sii ballaaran karto markale.
RBC Radio