Jowhar[RBC Radio]Wabiga Shabeelle ee mara qeybo ka mid ah gobollada Shabeelloyinka,ayaa dhawaan fatahaad uu sameeyey waxaa ay sababtay inay barakacaan dad kor u dhaafaya kun qoys.
Waxaa la sheegaya dhibaatada ugu badan ee ay qoysaskaas u barakacayaan inay tahay aqaladii ay dagganaayen oo soo dubay,halka kuwa kalana ay biyo ugaleen.
Aamino Maxamed Cayuuni oo ah hooyo dhashey 8-carrur ah oo qeyb ka haayd qoysaskii ka barakacay fatahaada wabiga Shabeelle ayaa mar ay la hadlaysay Raxanreeb,waxaa ay sheegtay in xilligaan dhibaato xooggan ay haysato,maadamaa aysan jirin sida ay sheegto hoy iyo cuno toona,waxana inta ay ku dartay in goobaha ay wali joogan ay ku jiraan biyo oo cabsidii watahaada wabiga aysan ka harin.
…”"”"Anniga waxan ahay hooyo haysata 8-carruur ah,aabahod waa uu geryoodey,waxana jirtay in aan beer ku lahayn meel ku dhow jiinka wabiga,hadda beerti waxba kuma yaalin oo biyaha wabiga uu soo fatahay ayaa qaat,guriga an dagganayna waxaa uu ku dhawaa beerta oo biyaha noogu soo galay anagana waan ka soo cararnay,hadda meel bananka ah ayaan jogna,waxaa jirtay cunayo yar oo karsan inan ka heli jirnay magaalada oo ay dad noogu deeqen lakin hadda inta badan way jogsatay,xaalad nolal xuma ayaana nahaysatay,cuno majirto,biyo la cabo oo nadif ahna majiran,hoy iyo meel an kunasanana maleh…”"”ayey tiri hooyo Aamino Maxamed Cayuuni oo ka hadlaysa saamaynta u ku reebay wafatahaada uu geestay wabiga Shabeelle.
Si kasta oo ay noqtaba xaaladda ka jirta deegaanno dhoor ah oo uu wabigu ku fatahay ayaa ah mid liidata iyadoona dhawaan la sheegay inay xanuuna ka dilaacen,balse dadka iyagu saameynta xoogan biyuhu ka soo gaaren ayaa codsanaya in wax lala soo gaaro si ay uga samata baxaan dhibka haysta.
____
RBC Radio
Xafiiska Jowhar