Clik here to view.

Nicholas Kay
Muqdisho[RBC Radio]UNSOM xafiiska Qaramada Midoobay ay ku leedahay Soomaaliya,ayaa waxaa laga soo saaray war lugu sheegay in xilligaan dhibaatada ka jirta Soomaaliya inay tahay in wali qeybo ka mid ah gobollada Soomaaliya ay gacanta ku hayaan kooxda dowladda ka soo horjeeda ee Al Shabaab.
Nicholas Kay oo ah madaxa xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay Soomaaliya, oo ka hadlay xaaladda xilligaan Soomaaliya ka jirta waxana uu sheegay in waxbadan uu isbaal ku yimad ayna jiraan arrima badan oo muddadii Soomaaliya xasilooni darada ay ku jiray ee 22-sanno ahayd,in waqtigaan horumar laga gaaray,in kasto uu sheegay in caqabada ka jirta Soomaaliya ay tahay in wali Al Shabaab dagaall ay ka wadaan qebo ka mid ah gobollada Soomaaliya.
Nicholas Kay,waxaa uu sheegay in xilligaan xal laga gaarayo caqabada Al Shabaab ay ku tahay dowladnimada Soomaaliya,waxana uu inta ku daray iyagoo ka duulaya caqabada xilligaan jirta in dhawaan la qorsheynayo in weerar toos ah lugu qaado deegaannada Al Shabaabku ay maamulan ee dalka.
…”"”Waxan rabana in mar xalad kasta laga gaaro guul,anagoo taas anba qaadeyna waxan soo dajiney qorshe lagu doonayo in lagu weeraro deegaannada ay Al Shabaab ka taliso, arrintaasna waxay qayb ka tahay qorshayaasha la doonayo in Soomaaliya lagu gaarsiiyo sannadka 2016-ka doorasho xor ah…”"”ayuu yiri Kay.
Hadalkaan ayuu u sheegay denjiruhu xubnaha golaha ammaanka isagoo shir ay xalay yeesheen kaga qaybgalay qalabka la iska arko.
Sidoo kale waxaa uu walaac ka muujiyey argayg haddii waqtigaan lugu guulesan waayo qorshaha la doonayo in dalka Al Shabaab looga saaro ay keeni karto in Al Shabaab ay awooddeeda ku baahiso Qaaradda Afrika oo dhan.
…”"”Waxaan sidoo kale muhiim ku sheegi lahaa oo an ka codsan lahaa Qaramada Midoobay iyo dalalka caalamkain gacan laga siiyo dowladda Soomaaliya sidii ay Al-shabaab uga adkaan lahayd ayna ku fulin lahayd qorshayasha u dagsan inay dalkeeda gaarsiiso…”"”ayuu soo qaaday ergaygu.
War kaan waxaa uu imaanaya xilli ay wali jirto in kooxda Al Shabaab ay ka taliyaan qeybo ka mid ah gobollo muhiim uu ah dowladda,waxana xilligaan Soomaaliya ka socda dadaallo lugu baadi goobayo sidii Al Shabaab looga sarai ahaa dalka.
______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho
Use Facebook to Comment on this Post
Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.