Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne faroole: Waxaan ognahay Dad Mushaar ka qaata Xamar si ay u burburiyaan Puntland.

$
0
0

32

Garoowe (RBC RADIO)  Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Dr C/Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in ay jiraan dad Mushaar looga soo diro Xamar oo ay gadaal kasoo riixayso DFS si loo burburiyo Puntland wuxuuna sheegay in dadkaasi ay ku dhexjiraan Bulshada iskuna qarinayaan mar walbana ku dadaalaya in Dalka kacdoon iska hor imaad iyo is qab qabsi in uu ka dhasho Puntland  laguna kala tago lagana soo Maamulo Gobolada Puntland ku bohoobay Magaalada xamar, wuxuuse sheegay in taasi aysan dhici Doonin ayna Puntland sidii lagu yaqiinay si ka adag ay u dhisnaandoonto mar uu shalay u qudbeynaynayay dad soo dhawayntiisa ka qayb qaatay.

 

“kuwa leh waxbaan badaleynaa Change baa loo baahan yahay ma Maamul baa la bedelaa ma wax xun baa dib loo hagaajiyaa mise waxaa la bedelaa qof? macnohoodu waxaan u qaatay qof qof bedelaaya qaarkood in ay u jeedaan micna ma samayso qof qof waa bedeli karaa laakiin mid kasii xun baa jidha qofka leh wax baan bedelayaa waxaan ognahay dad mushaar ka qaata Xamar oo la yiri rabsho ka rida Puntland oo aan Doorasho usocon oo raba in meesha leysku qabsado oo markaa lagu kala dhaqaaqo oo markaa lasoo magacaabo Governatoorayaal loona soo magacaabo Mudug, Nugaal, Bari, karkaar, Sanaag, Sool, Cayn, Hay’land war saa ma yeeleynaa?inagu sida aynu jidaynay ayeeynu ku shaqaynaynaa sidaana ninkii ku tartamaaya oo anshaxa ku ekaanaya oo wanaag raba in uu dalkan kusoo dabaalo waa loo ogol yahay dadka meel hakaga dhicinina karaamadiisana ha dilinina dalkana been haka sheeginina ayuu Yiri Mudane faroole.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay sidoo kale in uu soo dhameytiri doono hormarka ka socda Puntland hadii uu ku guuleysto 5ta sano ee soo socota, wuxuuna Sheegay Masuuliyad nimadu in aysan ahayn mid leyska baadi goobo balse looga baahan yahay qofka  in uu u leeyahay khibrad hogaamineed oo sanado badan ah laakiin aan NGO laga soo galin Siyaasada oo ragii sidaa sameeyey ay hada dalka meel xun ku wadaan maadaama aysan siyaasada waxba ka garanayn iyo Maamulka ayuu yiri Mudane Faroole.

 

” Hadii xilkan aan ku guuleysto waxii dhimanaa aan dhameytirayaa wixii qaldanna oo ay dad ugu wacnaayeenna waan saxayaa hadiise leyga guuleysto inta shaal iyo macawiis xirto baan Dadkeyga dhinac ka raacayaa ee intaan Hub aruursado dad leyn maayo isbaarana dhigan maayo,dhaqaalaha dalkeena waan u tashaneynaa go’aan ayaana gaari doonnaa oo Lacag baanu soo saaran doonnaa, wixii hor mar ah waxaan balan qaadayaa inaan idinka hagran oo si hufan wax idinku qabto.

 

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa hadalkiisan wuxuu imaanaya iyadoo dhawaanahan ay Musharaxiinta dhigiisa ah ay Saxaafada ka hadlayeen kuna tilmaamayeen Maamulkiisa mid fadhiid ah oo aan dalka waxba u qaban loona baahan yahay is bedel balse hadaladaasi wuxuu ku tilmaamay kuwo aan waxba ka jirin oo ishu ay Macalin tahay.

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles