Baydhabo (RBC) Xildhibaano kor u dhaafaya 50 oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ayaa ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay halkaasoo ay ka socdaan kulamo looga arrinsanauo qaab dhismeedka maamulka Koonfur Galbeed loogu magacdaray.
Xildhibaanadan oo baarlamaanka federaalka xubno ka ah ayaa aragtiyo kala duwan ka qaba hab dhismeedka maamulka uu yeelanayo, waxaana soo baxaysa aragti oranaysa in maamulka Koonfur Galbeed lagu soo koobo saddex gobol oo kala ah Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.
Xildhibaanada aragtidan qaba ayaa waxaa horboodaya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo koox xildhibaano ah oo uu hogaaminayo usbuucii hore ay gaareen magaalada Baydhabo. Shariif Xasan oo kulamo kala duwan la qaatay odayaal iyo siyaasiyiin ayaa u cadeeyay inuu ku talinayo in maamulka Koonfur Galbeed oo xaruntiisu noqoneyso magaalada Baydhabo lagu soo koobo saddexda gobol.
Shariif Xasan wuxuu kaloo qabaa in beelaha Digil iyo Mirifle deegaanada ay ka degaan Jubbooyinka, Gedo iyo Shabeelaha Dhexe ay maamulada ka jira qeybtooda ka soo qaataan, maamulka Koonfur Galbeedna ay goonigooda u dhistaan.
Hase yeeshee waxaa aragtidan ka boodsan qaar ka mid ah xildhibaanada iyo odayaasha reer Baay iyo Bakool oo sheegaya inaysan ka gorgortami doonin dhismaha Koonfur Galbeed oo ay hoos yimaadaan lix gobol oo kala ah; Baay, Bakool, Gedo, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Shabeelaha Hoose oo dhammaantood ay sheegeen inay yihiin deegaano Digil Iyo Mirifle leeyahay.
Xildhibaanada aragtidaasi qaba waxaa ka mid ah Sheekh Aadan Madoobe oo mar ahaan guddoomiyihii hore ee baarlamaanka. Xildhibaan Aadan Madoobe iyo koox xildhibaano ah oo ay isku aragti yihiin oo iyaguna ku sugan Baydhabo ayaa meel fagaare ah ka sheegay inaan hal gobol laga reebi doonin lixda gobol ee ay ku haminayaan maamul u sameyntooda.
Xildhibaanadan waxay sheegeen in ay haddaba Baydhabo kula sugan yihiin odayaal, siyaasiyiin iyo indheergarad ka soo jeedalixda gobol ee ay sheegeen in maamulka Koonfur Galbeed uu ka koobnaan doono.
Dhinaca kale waxaa magaalada Baydhaboo jawi siyaasadeed oo meel sare maraya uu ka jiro, looga diyaargaroobayaa qaabilaada wufuud badan oo uu ku jiro guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo lagu wado inay dhowaan tagaan Baydhabo si ay uga qeybgalaan wadatashiyada socda.
RBC Radio