Baraawe (RBC) Ururka Al Shabaab ayaa si rasmi ah u qirtay inay iyagu fuliyeen weerar gaadmo ahaa oo shalay lagu qaaday gaadiid ay wateen ciidamada booliska wadanka Kenya kana dhacay meel u dhow degmada Libooye.
Afhayeenka hawlgalada Al Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamadooda ay gudaha Kenya ka fuliyeen weerar dhabbe gal ahaa kaasoo uu sheegay in 8 ka mid ah booliska Kenya ay ku khaarajiyeen.
“Mujaahidiinta waxay ku gulaysteen in gudaha Kenya ka fuliyaan weerar iyagoo halkaa ku dilay 8 askari oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal sare.” ayuu yiri afhayeenka Al Shabaab Abu Muscab oo shir saxaafadeed ku qabtay Baraawe.
Afhayeenku wuxuu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysnaa oo si wanaagsan u dhacay, isagoo ku faanay in weerarkan uu caddeyn u yahay in Al Shabaab meel kasta oo ka mid ah Kenya ay ka geysan karaan weerar xilliga ay rabaan.
Wuxuu digniin u diray dawlada Kenya oo uu sheegay inay shacabka iyo ciidamadeeda kala bixi weysay Soomaaliya ayna dhegaha ka furaysatay digniino aysoo saartay kooxda.
“Waxaan u sheegeynaa shacabka in aysan nabad ku ladi doonin inta ay ciidamadooda ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya ayna dhibaato u geysanayaan shacabka Muslimka ah.” ayuu yiri afhayeenka Al Shabaab.
Sheegashada Al Shabaab ayaa timid iyadoo ay sii kordheyso khasaaraha ka dhashay weerar gaadmo ahaa oo ay ku qaadeen ciidamo booliska Kenya ah oo marayey agagaarka Libooye.
RBC Radio