Muqdisho (RBC) Wasiirka Gaashaandhigga Dawlada Federaalka Soomaaliya Cabdxakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta markii ugu horreysay ka hadlay bixitaanka ciidamada Ethiopia ee degmada Xudur isagoo sheegay in wasaaraddu ay diyaarisay qorshe dib loogula wareegayo degmadaasi oo ay qabsadeen Al Shabaab.
War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda gaashaandhiga ayaa lagu cadeeyay in ay dawladu wado diyaargarow ay ugu jirto sidii at degmada Xudur uga qabsan lahayn ururka Al Shabaab ee toddobaadkii hore galay ka dib markii ay si fudud uga bexeen ciidamadii Ethiopia ee joogay mudadii sanadka ahayd ee la soo dhaafay.
WAR SAXAAFADEED- 24/03/2013
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxey meel wanaagsan marsiineysaa diyaargarowgii ugu dambeeyey ee ay kula wareegeyso magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa yiri “diyaargaroobidda aynu u diyaar garoobeyno inaan dib ugula wareegno degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool wuxuu marayaa meel wanaagsan dhowaanna haduu Alle idmo argigixisada weynu kala wareegaynaa”
Wasiirka Difaaca ayaa dhanka kale wax laga xumaado ku tilmaamay dadkii ay maleeshiyaadka argigixisada Al-Shabaab/Al-Qaeda ku dileen gudaha degmada Xudur ee gobolka Bakool waxaana uu Wasiirku tilmaamay in dadkaasi ay Wasaaradda Difaaca u aargudi doonto.
“maleeshiyooyinka argigixisada ah ee Al-Shabaab xiligan ma hayaan awood ay kaga hor yimaadaan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed gaar ahaanna Ciidammada Xoogga Dalka ee geesiyaasha ah iyo Ciidammada Midowga Afrika ee taageeraya waxaanna u bur burin doonnaa sidii aynu ugu bur burinay gobollo badan oo dalka ka mid ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.
Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa xusay in howlgallada dalka looga saarayo maleeshiyaadka argigixisada ah ee Al-Shabaab aysan joogsan doonin inta guud ahaanba dalka laga sifeynayo Maleeshiyada argigixisada ah ee Al-Shabaab.
“shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu bishaareynayaa in dhowaan ay arki doonaan isbedel guud, dagaalka aan kula jirno argigixisadana wuusoo gebageboobayaa dhowaan haduu Alle idmo waayo argigixisada waxaad ogtihiin inta gobol amaba magaallo ee ay ku sugnaan jireen ee aynu kala wareegnay waxaana shacabka laga doonayaa ineysan taageerradooda ka bakheylin geesiyaasha cadawga ka xoreynaya”ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.
—DHAMAAD—-
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Gaashaandhigga
RBC Radio