Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Ka Hadlay Dilkii Col. Xaashi Diiriye Iyo Rag Lagu Tuhmayo Dilka oo La Hayo

$
0
0

Cabdi_Laqanyo_BaladweyneBeledweyne (RBC) Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay dilka Col. Xaashi Xuseen Diiriye oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee militariga Soomaaliya kaasoo koox hubeysan saddex habeen ka hor ku dileen magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan wuxuu cadeeyay in ciidamada amaanka ay hayaan rag uusan tiradooda sheegin kuwaasoo uu ku eedeeyay in lagu tuhmayo dilkii Col. Xaashi wuxuuna sheegay in raggaasi ay hadda ku jiraan gacanta ciidamada.

“Raggaasi waxaa la horkeeni doonaa sharciga waxaana lagu qaadi doonaa dambiga ay galeen.” ayuu yiri guddoomiyaha Hiiraan.

Guddoomiyuhu wuxuu intaa ku daray in tacsi uu u dirayo qoyskii iyo ehelkii uu ka geeriyooday Col. Xaashi Xuseen Diiriye wuxuuna sheegay in maamulka gobolka Hiiraan uu gacan ku dhigayo amaanka.

Maalintii shalay waxaa magaalada Beledweyne gaaray xubno ka socda maxkamada ciidamada qalabkasida kuwaasoo la sheegay in lagu wareejin doono ragga lagu tuhmayo dilka Col Xaashi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ragga dilkaasi geystay ee weeraray guriga Col Xaashi ay ka tirsanaayeen ciidamada dawlada ee ku sugan Beledweyne taasoo dhalisay in mudaaharaad qaatay labo maalmood uu ka dhaco magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles