Muqdisho (RBC) Waxaa faahfaahin dheeraad ah ay ka soo baxaysaa weerar gaadmo ahaa oo shalay dabley ay ku qaadeen ciifamo ka mid ah boliiska wadanka Kenya meel u dhow degmada Libooye ee soohdinta Soomaaliya.
Ciidamadan oo watay baabuur kuna socdaalayey wadada ayaa rag hubeysan wadada u galeen, iyagoo weerar gaadmo ah ku qaaday.
Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimshada askarta boliiska Kenya oo hadda gaartay toddoba askari iyo saddex ruux oo rayid ah, waxaana sidoo kale maqan oo weli jaan iyo cirib halkay dhigeen aan la garan illaa saddex askari oo kale.
Taliska boliiska wadanka Kenya ayaa si kulul uga hadlay weerarkan kuna eedeeyay kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya, kooxdaasi ayaa horey u weerartay ciidamada Kenya marar badan.
Sarkaal sare oo boliiska Kenya ka mid ah oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in askarta maqan loo badinayo in la afduubtay ama ay dhinteen oo meydkooda la waayey.
Saraakiisha booliska waxay sheegeen in weerarka lagu soo qaaday booliska baabuurka saarnaa uu ahaa mid gaadmo ahaa oo ay ka dambeeyeen rag hubeysan oo wadada hareerteeda u galay ciidamada oo markaasi dib ugu soo laabanayey dhinaca soohdinta Kenya.
Al Shabaab waxay marar badan weeraro ku qaaday ciidamada Kenya oo sanadkii 2011 hawlgal ku soo galay gudaha Soomaaliya ka dib markii dawlada Kenya ay afduubyo ka dhacay wadankaasi ku eedeyaysan Al Shabaab.
RBC Radio