Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Sargaal ka tirsan maamulka Jubba oo Kismaayo lugu dilay

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Bartamaha magaalada Kismaayo

Bartamaha magaalada Kismaayo

Kismaayo[RBC Radio]Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa lugu dilay sargaalka ka tirsan maamulka Jubba,waxana dilka sargaalkan uu dhacay xalay.

Waxaa la sheegaya in koox bastoolada ku hubaysan inay ku dileen guddaha Kismaayo sargaal ka tirsanaa waaxda canshuuraha ee dekedda Kismaayo.

Kooxdan ayaa mas’uulkan beegsatay xilli uu ka soo baxay masjid ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo,halkaas oo uu ku tukanayey.

Allaha u naxariste waxaa lugu magacaabi jiray salgaalkaan Macallin Axmed ,waxana uu dilkiisa ka dhacay  suuqa Aargada ee magaalada Kismaayo.

Wararku waxaa ay sheegayan ragga dilka gaystay,sidoo kale inay dhaawaceen askari ka tirsan ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba ka hor intii aanay goobta ka baxsan.

Ma jiro wali wax war ah oo faah-faahinaya dilka sargaalkan,sidoo kale wali kama aysan hadlin mas’uuliyinta maamulka Jubba,in kasto ay jiraan howlgallo ballaaran oo ay ciidamada amniga ka sameeyen qeybo ka mid ah magaalada oo la sheegay in lugu baadi goobayo ciidi ka danbeysay dilka sargalkaan ka tirsana waaxda canshuuraha ee dekedda Kismaayo.
_______
RBC Radio
Xafiiska Kismaayo

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Facebook
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Twitter
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Google+
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Trending Articles