Muqdisho[RBC Radio]Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa codsi ku soo jeedisay in muhiim ay u tahay dibu soo celinta Sanduuqa kaalmada Soomaaliya,taaso dowladda ay ku sheegtay in qeyb weyn uu ka qaadan doonno kobaca dhaqaalaha dibu soo celinta Sanduuqa kaalmada Soomaaliya.
Codsigaan ayey dowladdu u gudbisay Ururka iskaashiga islaamka inuu howl-geliyo Sanduuqa kaalmada Soomaaliya , iyadoo la tixraacayo go’aanadii ka soo kala baxay shirar madaxeedyadii lagu kala qabtay wadamada Kazakhstan sanadkii 2011-kii , iyo Djibouti sanadkii 2012-kii .
Waxana arrintan ay timid xilli uu socdo Shirka 40-aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada islaamka ee ku midoobay Ururka iskaashiga islaamka,kaaso xilligaan ka socda magaaladda caasumada uu ah dalka Guinea ee Conakry.
Shirkaan waxaa looga hadlaya arrimo dhoor ah,waxana dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya ugu qeyb gaya Abdirizak Siyad Abdi oo ah ergeyga Soomaaliya uga wakiilka ah Ururka iskaashiga islaamka , Xaruntiisa Jeddah.
Waxaa la sheegay in shirkaan qorshihiisu yahay inuu socdo maalmaha kala ah 9-11 December,halkudhigiisuna yahay ilbaxnimada oo laga wada hadlo waa dhaqan nabadgelyo iyo horumar joogto ah , ayaa waxaa shirgudoominaya Wasiirka Arrimaha dibadda Guinea Lounceny Fall, iyadoo laga hadlay arrimaha Palestine , Syria , Mali,Somalia,Qowmiyadda muslimiinta Rohingya ee wadanka Myanmar , iyo isbadalada uu sameeyay ururka tan iyo shir madaxeedkii gaarka ahaa ee lagu qabtay Magaalada Makkah Al-mukarramah sanadkii 2005-tii .
Maanta ayaa la filaya in la soo afmeero shirkaas,iyadoona la sugayo in laga soo saaro war murtiyeed , ayaa ergeyga Soomaaliya uga wakiilka ah Ururka iskaashiga islaamka Abdirizak Siyad Abdi uu jeedinayaa khudbad uu ku qeexayo horumarka balaaran ee dhinaca nabad gelyada iyo dowlad wanaaga ee ka dhaqan galay wadanka Soomaaliya sanadkii ugu dambeeyay , taasoo qeyb ka ah barnaamijyada horumarka leh ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso helidda iyo fulinta qorshayaasha dib u dhiska iyo maalgeshiga.
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho