Image may be NSFW.
Clik here to view.Boosaaso[RBC Radio] Ciidamadda Badda dowladda Puntland ee PMPF ayaa manta soo bandhigay rag ay sheegeen in ay ahaayeen Burcadbadeed,kuwaas oo ay kusoo qabteen agabkii ay ku weerar tagi lahaayeen deegaanka Mareero ee duleedka Boosaaso.
Taliyaha Ciidamadda Badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo Saxaafadda kula hadlay xarunta Ciidanka ayaa sheegay in raga ay hayaan yihiin Burcadbadeed isla markaana ay kazoo qabteen deegaanka Mareero ee duleedka Boosaaso.
……’’’’ Burcadbadeed aan xalay habeenimadii kazoo qabanay deegaanka Mareero halkaas oo ay Burcadbadeedaasi isku abaabuleysay iney Badda galaan, burcadaas oo ilaa 7-qof dhammaa laakiin aan hadda gacanta kusoo dhignay Saddex qof, saddex qori iyo Saxiimad….’’’ayuu yiri.
Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa xusay in weli aysan joogsan weerarada ay geystaan Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida balse badi weeraradaas ay ku guuleysteen iney ka hortagaan Ciidanka Badda Dowladda Puntland.
Image may be NSFW.
Clik here to view.…….’’’In kastoo beryahan ay hoos u dhaceen Burcadbadeedaasi iney Badda galaan hadana la waayi-maayo qolo ismiidaamisa oo tiraahda faa’ido ka doonta balse waxad moodaa in Ciidanka Badda Puntland akhbaaratka ay helayaan uu aad u sareeyo…..’’’ayuu yiri Taliyuhu.
Sidoo Taliye Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa uga mahadceliyey Shacabka Puntland sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan Ciidamada Badda Puntland balse uu ka codsanayo in la shaqeyntaas la sii xoojiyo.
……’’’Waxaan leeyhaya shacabka reer Puntland ee aad noola shaqeeya in la’aantood aysan waxba noo socoteen laakiin hadana loo baahanyahay in dadaalka intaas laga sii badiyo …..’’’ayuu yiri.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Taliyaha Ciidamadda Badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa digniin u diray dadka maalgeliya dhalinyarada Burcadbadeeda ah, isagoona kula taliyey iney ka qeybqaataan horumarka dhanka shaqooyinka ee dalka ka jira.
…….’’’Waxaan diginiin u dirayaa Odayaasha nimanka kabaa’irta ah ee meelahaas lacagta la fadhiya ay soo dirayaa dhalinyarada yaryarka ah oo badda ku halaagayaan iney iska daayaan ,dhalinyarada laftirkooduna inuu caqligu shaqeeyo….’’’ayuu yiri mar kale.
Gabagabadii ayaa Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax,wuxuu mahadcelin ballaaran usoo Jeediyey Ciidamada Badda Puntland si hawlkarnimada leh ay had iyo jeer ugu heelan yihiin waajibaadka saran iyo ka hortaga Burcadbadeeda.
Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view.
_________________
Cismaan Turaabi
Use Facebook to Comment on this Post
Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.