Mogadishu, Diseembar 10 2013: Waxaa maanta dhamaaday xafiiska Madaxwynaha lagu soo gabagabeeyey wareysi lala yeelanay 17 musharax oo rajo kawada qaba in loo magacaabo R/Wasaaraha Soomaaliya.
17kaan qofood ayaa waxa ay isugu jireen Wasiiro hore, xildhibaano siyaasiyiin iyo Maalqabeen u soo istaagay inuu dalkiisa wax ka qabto.
Musharaxiinta waxaa kamid ahaa Maxamuud Xaaji Cali oo ah ganacsade weyn oo ka yimid USA Virginia haddana afrika ganacsiyo badan ku leh.
Musharax Maxamuud ayaa waxa uu kamid yahay wadaniyiinta xorta ee goaansadey in ay dalkooda wax u qabtaan.
Waxaa la rajeynayaa in maalinimada Bari oo taariikhdu tahay 11 ka Bisha Diseembar 2013 in lagu dhawaaqo qofka uu madaxweyna Xassan SH uu u doorbido in ay wada shaqeyn karaan
Lama saadalin karo cida loo dooran doono xilka R/W Soomaaliya wararka waxa ay sheegay in Madaxweyne Xasan SH uu markaan soo magacaabi doono qof siweyn dal iyo dibadba ka gadmi kara.
RBC Mogadishu