Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr C/Raxmaan Maxamed Maxamuud faroole ayaa soo dhaweyn Balaaran oo loo sameeyey kadib wuxuu ka qudbeeyey Barxada weyn ee Magaalada Garoowe, wuxuu u mahadcelshay dhamaan dadkii soo dhaweeyey iyo Ciidanka Booliiska isagoo sheegay in Soo dhaweyntan ay u noqon doonto mid Taariikhi ah oo muujinaysa taageerada loo hayo, wuxuu Madaxweynuhu sheegay in Puntland ay Nabdoon tahay ayna ka hortagayaan cidii ka hortimaado Midnimada Puntland sida uu Madaxweynuhu yiri.
Madaxweynuhu wuxuu si toos ah u sheegay in Dalka uu Fowdo ku wado Musharax C/wali Gaas oo uu ku tilmaamay in uu ahaa Mcalin Iskuul Sanadkii uu Xilka hayayna uu dalka kala furfuray Puntlandna uusan waxba u qaban aysanna jirin Garoomo Diyaaradeed Laamiyo iyo waxtar kale ee uu u qabtay Gaas umada Puntland sida uu sheegto ayuu yiri Mudane Faroole.
“Gabigiisba halsano ayuu siyaasada Dalka ku jiray ka horna Jeesto ayuu Sabuurad ku qori jitay wuxuu Dalka u qabtay waa isagan meel kasta ka caytamayee,Waa Isagan Burcad Badeed nagu caayayee yaa Dhulkan Burcad Badeeda ka sifeeyey oo la dagaalay Aniga ka hor waxaan leeyahay Akhlaaqda Musharaxnimo hala ilaaliyo dalkana waxaan jirin yaan laga sheegin, waxaa laga shaqeeyey Dulmi badan waxaa leysku diray Isimadeeni waxaa laga shaqeeyey qalalaaso in dalkan la gelsho waxaa la doonayaa in Midnimadeena lagu cayaaro laakiin alle hanaga dhigo kuwii waxaas oo idil ka hor iman lahaa, sidaana waxaa yiri mudane Faroole.
Dr Faroole wuxuu sheegay in Taariikhdu ay Qori doonto waxyaabihii uu dalka u qabtay 5tii sano ee uu xilka hayay wuxuu kaloo soo hadal qaaday dhacdooyinkii ka dhacay taleex oo uu sheegay in dadkale ay buun buuniyeen dadkana xamaasadooda kiciyeen iyagoo siyaasado kale ka leh doonayeenna in ay ku awrkacsadaan Shacab Haween iyo Caruur aan waxba ka ogayn arimahaasi sida uu faroole yiri.
Magaalada Taleex 3bil ayuu joogay Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ka furay kana bilaabay Mashaariic kala duwan dadka Magaaladaasna waxbuu u qabtay halka kuwa Maamulka shaaganaya ay Maleeshiyaad iyo dagaal ka abaabuleen halkaasi oo markii dambe intay geed isku soo aruursadeen ku weerareen Ciidanka Madaxweyne ku xigeenka wuxuuna ahaa dagaal abaabulan oo dano gaar ah laga lahaa, waxaase ka tacsiyeynayaa cidii waxku noqotay intii ku dhaawacantay alle ha caafiyo intii ku dhimatayna Alle ha u naxariisto ayuu yiri Dr faroole.
Madaxweynaha wuxuu hoosta ka xariiqay in Shaqadan iyo xilka uu hayo uu Jaran jaro dheer usoo maray Xafiis Dowladeedna kasoo shaqeeyey balse uusan Hab NGO ah kusoo galin sida uu yiri Madaxweynaha wuxuu tilmaamay in Dalka Xaalada isku xirnaan ee uu ku jiro uu ku jiri doono hadii xilka looga guuleystana uu shacabka ka mid noqon doono balse uusan isbaaro dhigan doonin dadkana leyn doonin sida uu yiri Mudane Faroole.
” Marka leys barbardhigo Musharixiintii isa soo sharaxday 2009kii iyo kuwa hada isa soo sharxay oo ay ka buuxaan anna waa ikan waxaa tayo badan kuwii hore oo si nidaam ah u hadli jiray dadkana aan kicin jirin laakiin kuwa hada jira waxaa ka buuxa kuwo badan oo musharxnimada ay ka tahay halay barto ama aan xil helo dalka kuwaas oo kale laguma aamini karo mana loo dulqaadan doono hadalkooda ayuu yiri mudane Faroole.
Soo dhawaynta Madaxweyne Faroole loo sameeyey ayaa noqonaysa Abid mid aan loo samayn Musharax u taagan xilka Madaxtinimo ee Puntland iyo Madaxweyne lagu soo dhaweeyo Garoowe waxayna dadku safnaayeen laga soo bilaabo Barxada ilaa Garoonka Diyaaradaha iyagoo lulayay Calamo qoyan, inkastoo ay macquul tahay in Gobolada Dalka uu Madaxweyne faroole tago hadana Garoowe waxaa looga Muujiyay Taageero xoog leh oo ka badan kuwii loo sameeyey Musharaxiintii ka horeeyey ee Caasimada lagu soo dhaweeyey.
Hoos ka dhagayso Codka Madaxweynaha Puntland oo dhameystiran.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.