Muqdisho[RBC Radio]Maamulka gobolka Banaadir ayaa amar dul dhigay ganacsatada ku ganacsatada hareeraha jidka Maka Al-Mukarama,waxana lugu amar qeyb ka mid ah ganacsigooda inay joojiyan.
Sida warbaahinta uu u sheegay xog-hayaha guud ee gobolka Banaadir, Cabdikaafi Hilowle Cismaan,lama aqbali doonno in ganacsatada ku ganacsata dhinacyadda jidka inau ku iibiyaan shidaalka iyo waxyabaha dareeraha ah ay nadaafad-darro keenaa, sidaa daraadeedna aan lagu iibin karin jidka oo dib u dhis lagu sameeyay.
….”"”Waxan idin sheegena in la joojiyo iibinta shidaalka iyo waxyabaha dareeraha ah ay nadaafad-darro keenaa,tas waxan u leenahay sidad la socotanba Waddada Maka Al-Mukarama dib u dayactir xoog leh ayaa lagu sameeyay marka lama ogolaanayo in lagu iibiyo waxyaabo dareero ah oo nadaafadda wax u dhimaya, ganacsiyada aan sharciga ahaynna waa inay hareeraha jidka ka guuraan…”"”ayuu yiri Cabdikaafi Hilowle.
Sidoo kale xog-hayaha gobolka Banaadir waxa uu si kulul u sheegay in qofkii lagu arko isagoo biyo wasaq ah ku daadinaya hareerha jidka wuxuu muteysan doonaa ganaax lacageed, balse ma uusan soo hadal qaadin cadadka ganaaxaas lacageed uu noqonayo.
Wadda Maka Al-Mukarama,waxaa horrey dib udayactir ka sumaysay dowladda Turkiga oo muddadanba howlo ka wadday Muqdisho.
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho