Boosaaso[RBC Radio] Musharax Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Maalmihii ugu dambaysay ku sugna Magaalada Boosaso si Bulshada Gobalka wadatashi ugala sameeyo Xaaladaha Dalka iyo Isbedelka Horumarka iyo Cadaaladda ku salaysan ee uu Musharaxa Damacsanyahay in Dalka uu ku Hoggamiyo Marka uu ku guulaysto Madaxtinimada.
Odayaasha uu kulanka la qaatay Maanta Musharax Gaas oo ka kala socday Beelaha Bari ayaa ka dhacay Halka uu Boosaso ka deganyahay Musharaxa waxana kulanka uu ku saabsana kala war qadasho Xaladaha Guud ahaan Dalka iyo sida Bulshawaynta Puntland Maanta ugu baahanyihiin in ay helaan Maamul tayaysan oo Rabitaankoda ku yimaada.
Odayaashii goobta ka hadlay ayaa isku raacay dhamantood soona dhoweeyey in Dalka uu u baahanyahay Isbedel Dhinacyo badan iyo siyaasad Furfuran oo kor u qaada Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo ka Faidaysiga Kheyraadka Dabiiciga ee Dalka uu leeyahay.
Musharax Gaas ayaa Odayaasha Balanqaad ka siiyay dhinacyo badan oo ku wajahan Isbedelka uu damacsanyahay in Dalka uu ku talabsado iyo Qorshayaashiisa ku aadan Horumarinta Cadaaladda dib u egista Xaladaha Dhaaqale ee Dalka oo Maanta u muuqda Mid hoseeya una Baahan kor u qaadis si dib loogu soo celiyo Nolasha Bulshada Guud ahaan ee Maanta ay taabatay Dhaqala burburka Dalka ka muuqda.
Kulanka uu Dr gaas la qaatay Odayaasha ayaa qayb ka ah kulamo xiriir ah oo uu ku Oganayo xaladaha dhabta ah Bulshada kala duwan ee ku dhaqan Gobalka Bari, waxaana kulan kan ka horeyey uu la qaatay dhanka Haweenka iyadoo la Ogyahay in Haweenka wixii ka dambeyey Burburkii Dalka ay Bal Dahab ah ka galeen Nolasha Qoyska weliba Wakhti adag iyo Xaalado Murugsan.
________________
RBC Radio