Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xus loo samaynayo hoggaamiyihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela oo bilaabatay

$
0
0
Nelson Mandela oo la xusayo geeridisa

Nelson Mandela oo la xusayo geeridisa

Johannesburg[RBC Radio]Waxaa la arkayey dadweyne aad ufarabadan oo isku diyaariyey inay ka qeyb galaan xuska loo samaynayo Koonfur Afrika, Nelson Mandela.

Cayaaro kala gadisna ayaa ka socda iyagoona ay samaynayan kumanaan kun oo ruux  kuwaaso ku  cayaaraya guddaha garoon ku yaalla xaafadda Soweto, halkaas oo lugu waddo inay ka dhacdo o xus loo samaynayo Nelson Mandela.

Kumaanka kun ee ruux ee ka qeyb galaya xuska,waxaa ku wahelin doonna madaxda caalamka ee ka kala socda dowlado kala duwan.
Tiri lugu sheegay  80 hoggaamiye oo caalami ah ayaa gaaray xaafadda Soweto, oo lagu qabanayo xuska hoggaamiyahaas hore.

Madaxda ka qeygalaysa waxaa kamid ah, madaxweynaha Maraykanka, RW Britain, Madaxweynaha Faransiiska, XGQM, ra’iisul-wasaarayaal, boqorro iyo madax kale oo ka kala socda caalamka.

Dabaldagyo soconaya

Dabaldagyo soconaya

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama waxaa safarkan ku weheliyo oo tacsidan kala qeybgalaya madaxweynayaashii hore ee Maraykanka,  George Bush, Bill Clinton iyo Jimmy Carter.

Saraakiisha Koonfur Africa ayaa sheegay inay jirto “daneyn aan horey loo arag” oo madaxda caalamku ay ku doonayaan inay kaga qeyb galaan tacsida Mandela ee maanta lagu qabanayo magaalada Johannesburg.

Hogaamiyeyaasha u ballansan inay khudbado tacsida maanta ka jeediyaan xuska maanta waxa ka mid ah Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, madaxweynaha Kuba Raul Castro iyo madaxweynaha Brazil Dilma Rousseff.

Hoggaamiyaha geryooday ayaa xusuus dheer ku rebay dadka ku dhashay Koonfur Afrika ,sidoo kale waxaa uu tixgalin weyn kulahaa qaradda Afrika iyo caalamka kalba,waxaa uu ahaa nin si weyn ugu soo dagaallamay in laga gudbo idab kala sooco ka jiray Koonfur Afrika.

Mandela waxaa uu ahaa ninkii ugu horreyey ee laha midabka madoow ee qabta hogaanka ugu sareya ee  dalka Koonfur Afrika.

Ninkaangeryoodey waxaa ka mid ah arrimaha sida weyn loogu xasuusan doonno inuu  astaan u noqday halganka kaddib markii uu xabsiga ku jiray muddo 27 sano ah,waxana xilliga ka dib markii uu  xabsiga ka soo baxay madaxweyne ka noqday Koonfur Afrika.
Si kastaba waxaa qorshuhu uu yahay  in Hoggaamiyihii hore ee Koonfur Afrika Mandela la aaso 15-ka bishan December.
________
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles