Nairobi[RBC Radio]War ka soo baxay hay’adda u qaabil san Qaramada Midoobay qaxootiga ee la yirahdo UNHCR,waxaa lugu sheegay in xilligana ay jiraan qaxooti Soomaali ah oo doonaya inay si iskood ah ugu labtaan guddaha dalkooda.
UNHCR waxaa ay sheegtay markii ay xog-wareysatay qeybo ka mid ah qaxootiga inay u xaqiijiyen in xilligaan ay ka go’antahay inay dalkooda ugu laabtan si iskood ah oo ay maankoda ka garteen.
Haweenay sheegtay inay muddo dheer ku nooled guddaha xeryaha ku yaalla dalke Kenya ee ay ko noolyihiin qaxootiga Soomaaliya,oo ay soo xiganaysay UNHCR ayaa sheegtay inay hadda doonayso inay dalkeeda dib ugu laabato.
Qofka ay soo xiganayso UNHCR oo ah hooyo lugu sheegay da’deda 22-sanno oo lugu magacaabo Daahiro Xuseen, dhashayna 4-carruur ah ayaa caddeyse in xilligaan qorshaheda uu yahay inay ku laabato dalkeeda hooyo ayna jaceshahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u aado.
Sidoo kale haweenayda waxaa ay intaa ku dartay inay jeceshahay inay noqoto qofka ugu horreeya ee kusoo laabta dalka, maadaama ay sheegtay inay dooneyso inay dib ula midowdo qoyskeda, walaalaheed, aabaheed, hooyadeed iyo ilmo sagaal jir ah oo ay dhashay, kaasi oo hooyadeed ay u heysay.
…””Waxaan jeclahay in ku laabto dalkeyga,waxana sidoo kale jeclana lahaa inan noqdo qofka ugu horreya ee ku laabta dalkiisa,madaamaa muddo an joogay xeryahan…”"‘ayey tiri hooyo Daahiro.
Isku soo wadda dubo dhawaan heshiis ay ku gaaran magaalada Nairobi dowladdaha Soomaaliya,Kenya iyo hay’adda UNHCR ayaa dhigayey in dib loo celiyo qaxootiga Soomaaliyed ee muddada dheer ku jiray xeryaha ku yaalla dalka Kenya.
_____
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho