Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Koox Hubeysan oo Weerartay Madixii Canshuuraha Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose

$
0
0

afgooyeAfgooye (RBC) Rag hubeysan ayaa xalay weeraray madixii canshuuraha ee degmada Afgooye Yusuf Mirdow xilli uu ku sugnaa meelu dhow gurigiisa iyagoo dhaawacay.

Wararka ayaa sheegaya in rag bastooladu ku hubeysan ay weerareen masuulkan ka dibna ay rasaas la beegsadeen iyagoo markiiba goobta ka baxsaday.

Dhaawaca Yuusuf Murdow ayaa la dhigay isbitaalka degmada Afgooye iyagoo aan la qaban.

Wararka saaka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in ciidamada dawlada ee ku sugan degmadaasi ay hawlgalo saaka ka wadaan gudaha degmada iyagoo baadigoobaya kooxihii weerarka xalay ku dhaawacay madixii canshuuraha ee degmada Afgooye.

Xaalada degmada Afgooye ee dhinaca amniga ayaa beryahan xasilooneyd iyadoo hawlgalo joogto ah ay ciidamada ka sameyn jireen gudaha degmada.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ay ciidamada dawlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen ururka Al Shabaab inkastoo weli ay ka dhacaan falal weeraro iyo qaraxyo ah oo ay ka dambeeyaan kooxda Al Shabaab.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles