Kampala[RBC Radio]Dalka Uganda ayaa la sheegay inay sura galtahay inay ka dhacaan falal amni dalkaasi wax u dhimikara,sida ay xaqiijiyeen booliska.
Booliska dowlada Uganda ayaa markale ku celiyey inay hayaan xogo ku aadan surta galnimada dhacdooyin amniga wax u dhimi kara oo ka dhaca guddaha dalkaasi.
Axadii la soo dhaafat ee toddobadkan waxaa ay booliska caddeyen inay heleen warbixintaasi oo ku aadan koox dad ah ay qorsheynayaan weeraro argagixiso ah oo la qorsheynayo in laga geysta magaalada Kampala, sida lagu sheegay warbixinta booliska ay sii daayeen gelinkii dambe ee shalay.
Judith Nabakoba oo ah afhayeenka ciidamada booliska ee dalka Uganda Judith Nabakoba, ayaa isna dhankiisa sheegay in warbixintaasi ay heleen kadib baaritaano dheeri ah oo ay sameeyeen.
…”"”Waxan heyna in ay suragal tahay in dalka ay ka dhacaan dhacdooyin amniga wax yeelen kara,waxana sida u leeyahay qorshaha waxaa ku lug leh koox dooneysa inay gubto xarumaha shidaalka iyo dhismooyinka magaalada, gaar ahaan goobaha ganacsiga”"”ayaa lugu sheegay warbixin ka soo baxdey booliska.
Booliska ayaa sheegay inay ku dabi jiraan koox aan la magacaabin oo laga shakiyay iyagoo sheegay inay ka hor tagaan weerarada qaar ee ka dhaca magaalada Kampala.
Si kastaba ha naqote dalka Uganda ayaa waxaa horay weerar kaga geystay ururka Alshabaab oo ka horjeeday ku lug lahaanshaha ciidamada Uganda ee howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya.
______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho